Madaxwayne Rohani oo Sheegay in Maraykanku Qoomamayn doono Haduu Ka Baxo Heshiiskii Ay Horay u Galeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Xassan Rooxaani ayaa sheegay in Maraykanku ka qoomameyn doono haddii uu ka baxo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran uu la galay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ku dhawaaqo go’aanka uu ka qaatey heshiiskii shanta quwadood ee Ruushka, Faransiiska, Ingriiska, Shiinaha, Maraykanka iyo Jarmalka oo lagu daray (P5+1) ay 2015 la galeen Jammhuuriyadda Iran.

Heshiiska Iran ay la galeen dalalka awoodda badan ayaa laga soo shaqeynaayey muddo 10 sano ah, waxaana uu dhigayaa in Iran ay joojiso dhismaha quwadda Nukliyeerka, taas beddelkeedna laga qaado xayiraada caalamiga ah ee saarneyd muddada dheer.

Israel iyo Sacuudiga ayaa si weyn uga soo horjeeday heshiiskaasi oo ay saxiixday xukuumadii hore ee Maraykanka Barack Obama, waxayna hada olole markale ugu jiraan in Maraykanka heshiiskan isaga baxo.

12ka Bishan May ayaa ku eg xiliga laga doonayo Dowlada Maraykanka inay markale cusbooneysiiso heshiiskan sanadaha badan soconaya, balse Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu heshiiska ka bixi doono.

Qaramada Midoobay, France, UK, Germany, Ruushka, China iyo Midowga Yurub ayaa intaba weli taageersan heshiiskan iyagoo sheegay in Iran ay kasoo baxday shuruudihii lagu xidhay, isla markaana uu yahay heshiiskan midka kaliya ee xakameyn kara Barnaamijka nukliyeerka ee wadanka Iran.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka