Kacdoonadii Shacabka Ogadenia oo Siixoogaystay & Dad Shacab Ah oo Lalaayay.

Kacdoonadii ugu dambeeyay ee shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa lasheegayaa in ay kadhaceen magaalooyinka Qabridahare, Afdam, Ma’aso, iyo magaalooyin kale oo aad ubadan.

Ciidanka Hawaarinta ee dhaqanka xun ayaa lasheegayaa in ay magaalada Qabridahare kudileen gabadh shacab ah oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Taysiir Cumar Food, sidoo kale waxay ciidanka Layuugu xabsiyada Qabridahare dhigeen dhalinyaro aad ufaro badan oo kagadooday falka foosha xun ee ciidan kusheega wayaanaha u adeega ay ku kaceen.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka xasuuqa shacabka loosameeyay ee Layuu Police ka looyaqaano lagu fasaxay xaafadaha magaalada iyaga oo burburiyay dhamaan albaabadii guryaha isla markaana dhibaatooyin lixaad leh ugaystay dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada Qabridahare iyaga oo aan ukala aabayeelaynin ciroole iyo caano nuug.

Xiisad aad xun ayaa laga soo sheegayaa magaalada Qabridahare waxaana laga cabsi qabaa in uu mar kale kacdoon shacab kadhaco magaalada Qabridahare, ciidanka gumaysiga ee magaalada Qabridahare kusugan ayaa baryahan waday dilal iyo xidhay baahsan oo ay ugaysanayeen magaalada Qabridahare.

Dhinaca kale ciidanka Hawaarinta ee magaalada Jigjiga ayaa weeraray guriga Garaad Kulmiye Garaad Dool, waxaana lasheegayaa in garaadka aad loo jidh dilay isla markaana lagu xabisay gurigiisa.

Iskusoo wada duub oo waxaa aad ukacsan dadka shacabka ah ee kudhaqan wadanka Ogadenia, waxaana larajaynayaa in kacdoonadu ay siixoogaysan doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...