Madaxwaynihii Catalonia oo Nin Kale Madaxtinimada Dalka Usharaxay.

Hoggaamiyihii hore ee Gobolka Catalonia Carlos Puigdemont ayaa soo magacaabay nin siyaasadda ku cusub oo u tartami doono doorashada madaxtinimo ee Gobolkaasi.

Muuqaal uu shaaca ka qaaday ninkan dibad jooga ah ayaa magaalada Berlin ka sheegay in Quim Torra uu yahay musharax madaxtinimo. Torra ayaa xildhibaanadii ka tirsanaa xisbigii madaxbanaani doonka ahaa ee Catalonia.

Dowladda Spain ayaa sanadkii 2017-kii sharci darro ku tilmaantay aftidii uu Gobolka Catalonia ugu codeeyay in ay ka go’aan Spain inteeda kale. Kaddib markii xukunka deg deg ah lagu soo rogay Gobolkaasi, Puigdemont iyo xubna sare oo ka tirsanaa dawladdiisa ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay halka kuwo kalana ay dalka ka carareen.

Doorasho ayaa ka dhacday gobolkaasi bishii Dicembar sanadkii 2017-kii, xisbiga uu hoggaamiyo Carlos ayaa si dirqi ah ugu guulaystay doorashadaasi. Illa iyo hadda, musharraxiinta ay soo xuleen axsaabta gobolka Catalonia ma tegi karaan goobaha doorshada, waxaana lagu eedeeyay dambiyo mucaaradnimo iyo inay ku lug lahaayeen aftidii bishii Oktoobar halkaasi ka dhacday. Torra ayaa agaasime ka ahaan jiray shirkad caymis ah ka hor inta uusan kusoo biirin siyaasadda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka