Magaaladda Qabridahare & Wararkii ugu dambeeyay Kacdoonkii shalay ka biloowday.

Magaaladda Jigjiga xalay waxaa ka yimid nin lagu magacaabo Nusdariiq oo kamid Malayshiyadda Hawaarinta ee loo yaqaano Liyuu Booliiska waxayna u tageen oo ay guryahooda ka soo toosiyeen qaarkamid ah Odayaasha magaalada Qabridahare, wuxuu ninkaas damcay in uu hadal u furo odayaasha waxayna xugu kaga dhigeen in dhamaan dadkii laqab-qabtay ee xabsiga la dhigay la siidaayo, wuuna ka aqbalay oo dadkii shalay gadooday ee la xidhay waa lasii daayay.

Waxaa kale oo ay Odayaashu shegeen in la soo qabto cidii ka dambaysay dilka gabadha Taysar Cumar Food. Waxaana loo soo qab-qabtay 3 nin sida la sheegay oo kala ah.

Komishinaarka Qabidahare ninkii haystay, Madaxa Sirdoonka Qabridahare & nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu yahay ninka soo dacweeyay gabadha la dilay, Wararku waxay sheegayaan in nimankaas loo qaaday magaaladda JigJiga.

Dhanka kale dhamaan Liyuu Booliskii magaaladda Qabridahare xeryo ayaa lagu xareeyay waxaana guud ahaanba magaalada la wareegay Askarta Gumaysiga Itoobiya oo dadka ciqaabayay qofkii ay qabtaana budh & laada kala daalaya.

Magaaladda Qabridahare waxaa dhamaatay cabsidii ayaga oo diyaar u ah in aynan kusii jiri doonin dulaynta & gumaysiga lagu hayo shacabka Ogaadeenya oo ay Qorahay kamid tahay, dad ku sugan magaaladda ayaa noo xaqiijiyay in ay dhamaatay kala gabashadii runtana laysu sheegayo waxaana magaalada ka muuqata xaalad culus oo kacdoon ah ayaga oo go’aansaday in ay ka dhiidhiyaan dilki loo gaystay Taysar Cumar Food oo shalay lagu marjiyay magaaladda Qabridahare sida ka muuqata sawirka laga qaaday waxaa lagu dilay marjin wax lagu ceejiyay.

Qorahay Media

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Ururka O Y S U oo magaalada Dhagaxbuur Wacdaro Kadhigay
- Sep 23, 2018
Waxaa magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar lagu qabtay shir si wayn loosoo agaa ...
Daawo Dr Abdirahman Doolaal oo kahadlay Khilaafka O N L F iyo Isaga
- Sep 23, 2018
Dr Doolaal ayaa si faah faah san uga hadlay Farqiga udhaxeeya onlf iyo urarada ...
Daawo:Canaasiir China Group labaxday oo magalada Jigjiga kadilaacday.
- Sep 23, 2018
Bulshada kudhaqan magalada Jigjiga ayaa cabasho xoogan kamuujiyay Kooxo dhalinyaro Abaabulan ah oo magacyo ...
Tv-ga SRTV wuxuu u muuqda inay Heegadii Cabdi iley wali Gacanta kuhayso.
- Sep 23, 2018
Madaxweyne mustafa omar waxan ku qiimeyn doonaa 90-ka Maalmood ee ugu Horaysa inta uu ...
Daawo:Shirwaynihii Ururka OYSU uu magalada Dhagaxbuur kuqabtay.
- Sep 23, 2018
Masuuliyiinta iyo Hawl wadeenka Ururka midowga dhalinta iyo Ardayda Ogadenia ee kusugan Gobolka Jarar ...
Daawo:Taliyaha cusub ee Jeel Ogaadeen oo Afka Furtay.
- Sep 23, 2018
Taliyaha cusub ee Jeel Ogadeen oo Maxamuud Carab oo maalmo kahor xilka lawareegay ayaa ...
Police-ka Addis ababa oo Kumanaan dhalinyaro Axmara ah xabsiga dhigay.
- Sep 23, 2018
Magaalada Addis ababa waxaa kabilawday Hawlgal balaadhan oo Guryaha loogu daadanayo dhalinyarada kasoo Jeeda ...
Daawo:Xog-hayaha Guud ee OYSU oo kawarbixinaya waxa u Qabsoomay.
- Sep 23, 2018
Waxaa wadanka Ogadenia mudo bil iyo siyaada ah kusugan wafdi uu Hogaaminayo xog-hayaha Guud ...
Dareenka Hadheeyay boqashadii madaxwyne Mustaf ee xidhitaanka Jeel Ogaadeen.
- Sep 23, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafe oo ay weheliyaan maxaabiis Hore oo maanta ...
Daawo:Hooyoyinka re Ogadenia ee Addis ababa iyo mudane Cadaani oo isla Ooyay.
- Sep 23, 2018
Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa magalada Addis ababa waxaa uu kula kulmay Hooyooyinka re Ogadenia ...