Kacdoonadii Shacabka Ogadenia oo Sare Ukacay & Xiisadii Qabridahare oo Taagan

.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ay sare ukacday xiisadii todobaadkan kasocotay gudaha magaalada Qabridahare.

Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii kooxda akhlaaqda xun ee wayaanaha u adeegta ay soo qaqabteen qaar kamid ah odayaasha magaalada iyagoo sida lasheegay ugaystay jidh dil iyo waliba bahdil xoogan.

Qaar kamid ah odayaasha oo aan magacyadooda helay ayaa kala ah
1 Khadar Cali Mahad’ala
2 Axmed Cumar Cali
3 Zakariye Cabdi Hade
4 Faysal Fudhad
5 Cabdikuun Nuur Cali Biixi
6 Raqiib Cabdi Dable.

Odayaashan ayaa lasheegayaa in ay siwayn uga soo hor jeedsadeen qorshihii dabaqoodhiga ee ahaa in marxuumad Taysiir lagu qiro in ay isdishay, waxaana lasheegayaa in ay odayaashu kooxda ku dhaheen war kirta nala dhaafa.

Sidoo kale waxaa magaalada horaan ugu sii xidh xidhnaa dad aad ubadan oo odayaal iyo dhalin yaro isugu jira kuwaas oo xabsiyada laga buuxiyaykadib markii ay shacabku kagadoodeen dilkii loogaystay gabadha shacabka ah ee ladaldalay.

Dhinaca kale tuulada Biyoqaboobe ee Gobolka Shiniile ayaa lasheegayaa in laga soo uruuriyay dhalinyaro aad ubadan oo kamid ah barbaarta kasoo horjeeda maamul kusheega Kilalka iyo dhaqanka gumaysiga, waxaana lasheegayaa in dhalinta lagu soo xidhay xabsiga wayn ee Jeel-ogaadeen.

Guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan gudaha iyo dibada wadanka ayaa si isku mid ah uga soo horjeedsaday cadaalad la’aanta iyo xasuuqa kajira guud ahaan wadanka Ogadenia, waxayna shacabku diyaar uyihiin in ay heeryada gumaysiga iska tuuraan.

Ogadenia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...