Dadkeenna Soomaaliyeed iyo qabyaaladdu waa sidii weel iyo wixii kujiray.

Muqdisho haddaad tagto, Nidaamka meesha jira marka la eedayn waxaad maqli ‘MM’ (Mareexaan & Murursade), Mana’aha sidaase, nidaamku wuxuu ka kooban-yahay koox dan-wadaag ah (wadaagta maslaxo siyaasadeed).

Hargaysa hadaaad tago, nidaamka meesha kajira marka la eedaynayo waxaad maqli ‘JG’ (Jeegaan), mana’aha sidaase nidaamku wuxuu ka kooban-yahay koox dan-wadaag ah (wadaagta maslaxo siyaasadeed).

Garoowe, Jabuuti, Jig-jiga iyo Kismaanyo-na waa sidaas oo kale. Xaqiiqduna marwalba sidaas mawada’aha. Waxaa se hubaal ah inuu nidaam kasta oo musuq ku dhisani ku dhaqmi qabyaalad, eex iyo qudhun oo dhan.

Eegga uun maahee soomaali waxay dowlad iyo Urur gobanimadoona lahayd waxaa lagu dumiyey qabiil. Iskaddaa dowlad iyo Urur siyaasadeed e, musasaadkii khayriga ahaa shirikaadka ganacsiga ayey arrimo qabiil loo tiiriyaa markii adeegooda la saluugo ama si kale loo dhaliilayo (gar & gar-darraba).

Laga soo billaabo sanadkii 2007, kadib weerarkii ay Jabhadda ONLF ku qaadday xarun shidaalka laga qodo oo kutaalla Coballe, wuxuu taliska Wayaanuhu qaatay go’aan ah in dadka Soomaaligalbeed lagu sameeyo ciqaab-wadareed si looga Aargoosto gobanimadoonka. Muddo yar dabadeed waxaa dibu-habayn lagu sameeyey siyaaddii maamulka daba-dhilifka ah oo markaa ka hor dhibkiisuna yaraa, dheeftiisuna yarayd (maamul musuq iskaga dhisan) Waxaana meeshii yimid, wax aan anigu ugu yeedho: K.DH.DH.DH.DH. (Kacaankii Dhiig-daadinta, dhaqaale-burburinta, dhaqan baabi’inta & dhalan-rogga diimeed).

Kacaankani muddadii uu jiray sanadba sanadkii uu ka horeeyey ayuu ka xanuunbadnaa, wuxuuna ku bilowday inuu dadka toban toban, soddon soddon iyo konton konton u xasuuqo. waxaa la dhaqan galiyey Istaraatiijiyad la yidhaahdo “Aragti ku toogasho” halku-dhegguna wuxuu ahaa “Ku dhufo oo sii dhaaf”..

11 sano kadib Kacaanku wuxuu u muuqdaa mid sii ilko-beelaya, dadkuna waxay u muuqdaan kuwo soo dhiiranaya sababo isbiirsaday awgood, laakiin dhinaca kale waxaa soo badanaya codadka qabyaaladaysan oo runtii ah Marin habaabin bulsho iyo halis aad u wayn.

Waxaan ku talinayaa in gumaysiga iyo daba-dhilifku isku qabiil loogu abtiriyo, kuwa xaq iyo gobanimadoonka ahna isku qabiil loogu abtiro.
Waa sida kaliya ee xaqqu laga guulaysan karo baadilka.

#KACDOON_SHACAB.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...