Dagaal ka Dhacay Dhulka Axmaarada & Sargaal Sare oo Lagu Dilay.

Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Gaynt ee Koonfurta Gobolka Gonder ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya in lagu dilay sargaal ciidanka Agaziga katirsanaa oo dhulka Axmaarad dhibaatooyin badan kagaystay.

Sargaalkan oo ahaa madaxa howl galada ee maleeshiyada lashaqaysa ciidanka Agaziga ayaa lasheegayaa in lakhaarajiyay xili uu howlgal shacabka kadhan ah kawaday deegaanka Gaynt oo dhaca koonfurta Gobolka Gonder.

Dilka sargaalkan waxaa fuliyay ciidanka Jabhada Gimbot 7 ee kadhaq dhaqaaqa dhulka Xabashida, kuwaas oo jid gooyo udhigtay ciidan uu sargaalku watay isla markaana dilay madixii ciidanka iyo askar kale.

Dilka sargaalka ayaa lasheegayaa in siwayn looga soo dhaweeyay dhulka Axmaarada, halkaas oo sida lasheegayo uu kagaystay gumaad baahsan, waxaana laxaqiijiyay in uu gacantiisa kudilay dad aad ubadan oo shacabka Axmaarada ah iyo waliba dad kale oo Itoobiyaan ah.

Dhinaca kale ciidanka wayaanaha oo aad uga xumaaday dilka sargaalka iyo ciidanka kale ayaa qaqabtay dad badan oo shacab ah, waxaana lagu soo waramayaa in dhibaatooyin kala duwan loogaystay dadkii shacabka ahaa ee la xidh xidhay.

Jabhada Gimbot 7 oo udagaalanta xoriyad gaadhsiinta shacabka Axmaarada ayaa sare uqaaday howl galada ciidan ee dhulka Axaarada, waxaana lasheegayaa in ay bilihii lasoo dhaafay dileen ciidan aad ubadan oo kuwa wayaanaha ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...