Barokac Balaadhan oo Kajira Gobolka Guji & Kacdoono Kasocda Oromia.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale ay dib usoo cusboonaatay xiisadii udhaxaysay Gobolada Oromia iyo Shucuubta Koonfureed, halkaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay kudagaalamayeen labo beelood oo deegaanadaas kasoo kale jeeda.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa deegaanka xuduuda dhaca ee dagaalku uu kasocday kabara kacay dad kor udhaafaya 100 kun oo qoomiyada Gidio ah, kuwaas oo uqaxay Gobolka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa barakac aad ubalaadhan laga soo sheegayaa dhinaca qoomiya Guji oo kamid ah qabaa’ilka Oromada, waxaana lagu soo waramayaa in dagaaladan ay kala kulmeen khasaare lixaad leh.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya oo sida lasheegayo aas’aaskii colaadan lahayd ayaa lasheegayaa in ay garab siinayso qoomiya Guji ee Oromada ah, taas oo sida lasheegayo bilihii lasoo dhaafay waday dhaq dhaqaaq dheeri ah.

Dhinaca kale kacdoon balaadhan ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Oromia, kaas oo bilowday kadib markii ardayda jaamacada Matwo ay isugu soo baxeen dibad wax wayn oo ay kaga cabanayeen ciidamada wayaanaha oo howlaha jaamacada culays wayn ku haya isla markaana dagan dhul balaadhan oo Jaamacadu ay leedahay.

Sidoo kale ardayda Jaamacada Matwo ayaa lasheegayaa in ay kabiyo diideen maamulka Jaamacada oo duruustii kajoojiyay arday Oromo ah oo horaan uga soo qaxay magaalada Jigjiga, halkaas oo ay wax kabaran jireen, waxayna ardaydu doonayaan in ay ardaydu duruustooda kasii wataan Jaamaca Matwo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...