Kacdoono Kasocda Gobolka Canfarta & Wayaanaha oo Kaniyad Jabsan.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Canfarta ee gacanta Gumaysiga Itoobiya kujira ayaa sheegaya kacdoono halkaas kasocda oo saamayn wayn kuyeeshay guud ahaan Gobolka Canfarta ee woqooyi bari Itoobiya.

Kacdoon wadayaashan oo ay hormuud u yihiin dhalinta Canfarta ayaa lasheegayaa in ay gabi ahaanba xidheen wadada halbowlaha ah ee isku xidha wadanka Jabuuti iyo wadanka gumaysiga Itoobiya, taas oo marta badhtamaha Gobolka Canfarta.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoonka ayaa bilowday kadib markii ciidanka dhaqanka xun ee wayaanuhu ay afduubeen arday udhashay qoomiyada Canfarta oo wax kabaran jiray Jaamacada magaalada Samara, kaas oo ilaa hada aan wax war ah laga haynin nolol iyo geeri toona.

Saalax Rashiid oo kamid ah ardayda waxkabarata Jaamacada Samara ayaa dhowr bilood kahor laga afduubay gudaha Jaamacada, waxaana loobadinayaa in Saalax ladilay, maadaama oo ilaa iyo hada aan laga haynin wax war iyo wacaal ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in dhalinta Canfartu ay xidheen goobo kale oo muhiim ah oo kuyaala Gobolka Canfarta, waxayna dhalintu siwayn uga soo horjeedaan maamul kusheega gumaysiga u adeega ee magaalada Samara fadhigoodu yahay, kuwaas oo loo adeegsado dhibaataynta shacabka Canfarta.

Dhowr bari ka hor unbay ahayd markii dhalinta Gobolka Canfartu ay isugu soo baxeen kacdoono waawayn kuwaas oo ay kaga cabanayeen cadaalad darada iyo dhibaatooyinka ay kooxda wayaanaha ushaqayso kuhayso shacabka Canfarta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...