Dagaal Dhimasho & Dhaawac Keenay oo Dhexmaray Axmaarada Iyo Tigreega.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya dagaal khasaare keenay oo udhaxeeya qoomiyadaha Tigreega iyo Axmaarada oo duleedka woqooyi ee Gonder kadhacay.

Sida xogta aan kuhelayno maleeshiyaad hubaysan oo qoomiyada Tigreega ku abtirsada ayaa weerar kusoo qaaday meel dahabka laga qodo oo kutaala woqooyiga magaalada Gonder halkaas oo inta laxaqiijiyay ay kudileen 3 qof oo udhashay qoomiyada Axmaarada oo macdan qodayaashii kamid ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay dadkii shacabka ahaa ee qoomiyada Axmaarada udhashay isdifaaceen isla markaana ay weerar celin xoogan kusameeyeen maleeshiya beeleedkii soo weeraray, waxaana lasheegayaa in ay khasaare aan lafaahfaahinin gaadhsiiyeen.

Maleeshiyaadka udhashay Tigreega ee goobta dahabka laga qodayay weeraray ayaa lasheegayaa in ay ku andacoonayaa in dhulkan ay qoomiyadoodu leedahay isla markaana loobaahan yahay in lagu wada hadlo taas oo dhinaca qoomiyada Axmaaradu ay aad ula yaabeen kuna tilmaameen daandaansi aan geed loogu soo gabanin.

Xiisad xoogan iyo ciidan uruursi ayaa laga dareemayaa goobtii ay dirirtu kadhacday, waxaana laga cabsi qabaa dagaalo xoogan oo mar kale kaqarxa deegaanka macdanta hodanka ku ah ee dhaca woqooyiga Gonder.

Dhinaca kale xukuumada wayaanaha iyo ciidamadeeda ayaa dusha kadaawanaya colaada kasoo cusboonaatay dhulka macdanta laga qodo ee deegaanka Axmaarada, waxaana lasheegayaa in ay qoomiyada Tigreega kutaageereen hub iyo waliba saanad kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...