Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay jawi nabad galiyo daro kujirto magaaladu kadib markii suuqyada magaalada lagu daadiyay waraaqo aad ubadan.

Sida xogta aan kuhelayno waraaqaha magaalada lagu daadiyay ayaa shacabka loogu baaqay in ay fadhiga kakacaan isla markaana xaqooda iyo xuquuqdooda raadsadaan, sidoo kale waxaa shacabka Axmaarada laga codsaday in ay xaqa taageeraan xaqdaradana diidaan inta ay goori goortahay.

Sidoo kale waraaqaha ladaadiyay oo dhowr luuqadood lagu sooqoray ayaa ciidanka wayaanaha iyo maamul kusheega gumaysiga lashaqeeya lagaga codsaday in ay joojiyaan cadaalad darada iyo xasuuqa aan xadka lahayn ee shacabka lagu hayo, waxaana loogu nasteexeeyay in ay shacabka xaqooda baadi goobaya sooraacaan inta uusan wakhtigu kadhicin.

Waraaqahan lagu daadiyay magaalada Bahardar oo aan la garanaynin cida daadisay ayaa siwayn jawiga magaalada wax uga badalay, waxaana lasheegayaa in ay cabsi kubeereen ciidanka wayaanaha iyo maamul kusheega Gobolka, halka shacabkuna ay aad ugu sheekaystaan waraaqahan.

Dhinaca kale magaalada Samu ee Gobolka Gojam ee dhulka Xabashida ayaa maalin nimadii shalay ahayd lagu dilay 3 kamid ah beeralayda Xabashida, kuwaas oo sida lasheegay lagu marjiyay ama lagu daldalay beerahooda gudahooda, waxaana maydkooda soosheegay dad kale oo beeralay ah oo aagaas kusugnaa.

Falkan foosha xun ee lagula kacay dadka shacabka ah ee Axmaarada ah ayaa lasheegayaa in ay kadambeeyeen ciidanka Agaziga oo indhawaalaba waday uus-xabaal iyo marjin ay kuhayeen shucuubta kala duwan ee wadanka gumaysiga Itoobiya kudhaqan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...