CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.

Hordhac..

Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore waxaan jeclahay inaan illaahey uga mahad celiyo nimcadiisa kala duwan ee uu nasiiyay. (Alxamdu lillaah).

Anigoo jecel inaan iska rido waa jibka ah salaanta qiimaha badan ee islaamka waxaan dhamaantiin idin leeyahay (ASC).

Intaas kadib waxaan guda galayaa qoraalkeyga uu igu qasbayo inaan kaga hadlo dhibaatada cusub ee bulshada kala duwan ee gobolka ogaden lagu hayo.

Waxaan isku dayayaa inaan ku hormaro xumaanta iyo dhibaatada ay leedahay cayda ama aflagaadada si guud anigoo ay iga tahay xusuusin, sixitaan, iyo talo muwaadin.

Ilaahay nimcooyinka uu qofka bani-aadamka ah siiyey waxa ka mid ah Carrabka, Dhegaha, Caqliga, Indhaha, Nimcooyinkaa ilaahay inna siiyey waxa garanaya qofkii ay maanta ka maqan yihiin ee aan lahayn.

Nimco kasta oo ILAAHAY bixiyey waxa loo adeegsadaa laba arrimood, mar waxa loo adeegsadaa khayrka, wanaagga iyo wax kasta oo qofka anfacaya aduun iyo aakhiro, marna xumaanta ayaa loo adeegsadaa.

Carrabkaa ILAAHAY inna siiyey waa hub laba sifo leh, mar waa hub loogu adeego wanaagga iyo in Janno lagu tago, mararka qaarkoodna in dadka la iskaga horkeeno oo dagaal lagu abaabulo oo wax lagu dulmiyo (ayaa loo adeegsadaa).

Hadalka dadka la isku dirayo waa fidmo, Waxaad ka fogaataan fidmo haddii la shido aan ku koobnaanayn kuwii sameeyay.

Hadalka xanafta leh dhegaysigiisa, qaadistiisa iyo sii gudbintiisa diibta Islaamka way inooga digay, ILAAHAY Qur’aankiisa ayuu ku sheegay.

Kalmad walba oo qofka bani-aadamka ahi ku dhawaaqana waxa u taagan cid Ilaahay u diray inay qorto oo ilaalinaysa, sida ilaahay qur’aanka ku sheegay.

Waxa kale oo uu Ilaahay qur’aankiisa ku yidhi ‘Haddii mid faasiq ah uu war idiin keeno iska hubiya oo caddeeya inta aydaan qaadanin, si dad aan waxba ogayn ugu dhibaatayn.

WAX GARADKA WAXAAN LEEYAHAY.

Madax-dhaqameedka waxaan leeyahay afkiina ka adkaada oo shaqadii ay idiin diratay ummadiina ku ekaada.

Suldaanka baan, Caaqilka, garaadka,iyo ugaaska waa masuuliyad ummadeed intaasba.

Haddii salaadiinta, cuqaasha iyo nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan dadku dhibaatadan kuma dhacdeen. Agoonta lama boobeen, dadka xabsiyada laguma haysteen.

Madax-dhaqameedka ayaa dadka kala saari lahaa oo xaqa u kala sheegi lahaa oo waana shaqadoodii.

waxaan leeyahay caddaalad-baa dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, xisbiyo ma mideeyaan, ee caddaalad-baa midaysa oo lagu heli karaa bulsho sharaf iyo karaamo leh.

Maanta laga bilaabo waxaan idinka sugeynaa inaad naga saartaan dhibaatada kala duwan ee nagu habsatay.

Bulshadu adinkeey idin soo dhowreysaaye waa jibkiina si fiican u guta ogaadana inaad ka adagtihiin cidkasta.

SHACABKA GUUD AHAAN.

Waxaan idin leeyahay intiina qurbaha ku nool waad ogtihiin dhibaatada baahsan ee shalay iyo maantaba haysatay inteena ku nool dalkii.

Waxaad ogaataan cayda loo soo safay dadkeenaas baraha bulshada inaysan ahayn mid ay iska maageen oo cadawga wakhtigiisii dhamaaday uu ku qasbayo.

Waxaad xusuusataan inaysan dhaqan u ahayn dadkeenaas.

Culimo diinta ka beensheegta
inteey xaqii garab maraan gardaradana u adeega, iskana indho tira waajibkii ka saarnaa diinta, dhaqanka, dadka, iyo dalka.

Wax garadkii bulshada oon
lahayn sharaf iyo karaamo kuna qanacsan bahdilka iyo baabi,inta diinta, dhaqanka, dadka iyo dalka.

C.. Hooyooyinkii, Sodohihii, iyo gabdhihii sharafta lahaa ee dalkeena oo sameenaya ama ku hadlaya wax aysan u lahayn dhaqan iyo hiddo maanta ka hor.

Marka hala yaabina oo intaad ka xanuunsataan hala dagaalamina adin iyo afba illeen cadawbaa ku qasbayoo moodaya inuu cimri dheerar ka heli wuxuuna ku beer la xawsanayaa ooy ku raali galinayaan midkii u wakiishay dhibaateynta shacabka.

Ujeedaduna waxaa weeyaan inay dadka kala dilaan, ooysan hal dhinac ooga soo wada jeedsan. I.w.m

Inuusan dadkeena iyo deegaankeenu kabaxaynin dhibaatada haddaan wax la wada yeelan dalkan waynu wada leenahay.

Taladiisu waynu wada leenahay, khayraadkiisa waynu wada leenahay, haddii la waayo in dadku wax wada yeeshaan dhibaato ka bixi mayno waligeen.

Dadkeena caqliga leh ee wax fahmaya ha wada hadlo, oo isku mid haka noqdaan ka bixinta dhibaatada bulshada iyo deegaanka.

Wixii dadkeena kala kaxaynaya wax la caqbali karo maaha ee si isku mid ah u diida.

Fadlan waa muhiim, waana lagama maarmaan,in aad walba dhamaantiin Xusuusnaataan saddexdaan arrimood ee hoos ku qoran, kuwaasoo kala ah:-

1- Maankaaga geli inaan marnaba Geeri laga badbaadeynin, si kastoo uu Cimrigaadu u dheeraado, xitaa hadaad gaadho 100 sanno.

2- Maankiina geliya adduunkaan inuu yahay xabsigii mu’minka, ogoowna inaadan ku raaxeysan doonin, ileen waa tuu Nabigeena CSW, yiri:-

Adduunyada waa xabsiga ruuxa Mu’minka ah, gaalkana waa u Janno, sidaas darteed ruux walboow mu’min ah adduunyada korkeeda filo dhib badan iyo dheef yar, (Ogoow taasina waa Imtixaan, fadlan u yeelo dulqaad iyo Iimaan Sugan).

3- Maankiina geliya inaadan ka bad-baadeynin aflagaadada iyo iney Wax kaa sheegaan dadka, si kastoo aad u tahay qof wanaagsan.

Ogoow ruuxa u naxriista badan ayaa ku dhahayo waa qiyaaliiste (waa Is tus-tus), Nabiga CSW, waan ognahay Islaamnimada dhibaatada iyo Aflagaadada uu kala soo kulmay, iyo sida uu isagana ugu dulqaatay, anagana taas ayaa nalooga baahan yahay dulqaadka aan badino.

Haddaba, walaalka ama walaashaa muslimka ahoow ha fiirin waxaas waa Adduun, ee badi cibaadada rabbi (taas weeye tan keliya ee aakhiro wax inoo tareysa), mar kastana kaasho samirka iyo salaadda.

Waxaan kusoo xidhayaa xikmadan:-

(ﺃﺣﺒﺲ ﻟﺴﺎﻧﻚ ﻟﺌﻼ ﻳﺤﺒﺴﻚ / ﻣﻦ ﻛﺒﺢ ﻟﺴﺎﻧﻪ ﺣﻔﻆ ﺭﺃﺳﻪ)

Qofkii afkiisa qabsada ama carabkiisa ka adkaadaa waa badbaadaa Intaasi waa waano aad ku badbaadi kartaan haddaad ku camal fashaan. !!!

KOOXDA YEEYDA AH.

Waxaan in badan ka fikiray wixii aan ku matali lahaa abdi ilay iyo kooxdiisa wakhti badan ka dibna waana helay waxay matalaan waxaana oogu yeedhay (YEEYDII DADKA) anigoo kusoo dhigay qoraal hore oo ciwaankiisu ahaa sidan:-

XANUUNKII TAYSIIR MIDEEYA DARTII MIYAAN LA XAR-XARIIQAY?

Nafteedaba ha weydee taysiir dibbaan laysu hagrani doonin!!!

QODOBKA 2AAD.

Hadalkeyga ku aadan kooxda yeyda ah ee abdi iley iyo nidaamkooda (DIB U CUNISTA) dadka iyo deegaanka.

A. Horta kooxdan waa Dad madhihi karo oo dambi.

B. Waa duunyo ma dhihi karo oo waa ka baa,ir.

C. Waa dugaag ma dhihi karo oo waa xad gudub.

A

Waa dad madhihi karoo suurada mooyee malaha aqliga, dareenka, damiirka, danqashada, diinta, iyo dhaqanka aadmiga.

B

Waa duunyo ma dhihikaroo malaha inta garashada iyo nacfiga ah ee uu eebbe siiyay sida caanaha, cadka, subaga, iyo gaadiidka. I.w.m

C

Waa dugaag ma dhihi karoo ma aha dhurwaa mana laha xeeladiisa waayo xoolaha wuxuu ku dilaa baadida wuuna iska hubiyaa inay cid la joogto iyo in kale wuuna xidaareystaa oo ma jecla inuu durba fashilmo dugaaga intiisa kale iskaba daa.

Xitaa cayayaanka ma jiro wax aan ku tilmaamo tusaale ahaan aqliga wariiriga malaha oo waad aragteen markuu ku qaniino ma istaago oo orod ayuu isxaabiyaa sababtoo ah wuxuu garanayaa inuu dakane galay wuxuuna isku dayayaa inuu naftiisa badbaadiyo bal u fiirso.

Markaan fikiray waxaan dhaafin waayay iney yihiin bahalka la yidhaahdo YEEYDA. ama aan dhoho ( yeeydii dadka) waayo bahalkan malaha aqli. wuu hunguri weyn yahay oo wuu damaci badan yahay waana fulay mana laha aqli.

Waa sifaha ay wadagaan bahalkaas iyo kooxdan ah yeeydii dadka.

Waxaan leeyahay haddaad imaqleysaan ood dhago leedihiin,
Haddaad fahmeysaan luuqadda aan ku hadlayo.

Wuu dhamaaday jaaniskiinii ee ha idinku filnaato dhiigii, dheeftii, iyo bahdilkii dadka.

Ma ku tala gasheen difaaca naftiina, xoolihiina boolida ah, iyo cidhibtiina dambe??

Waa balan alle in aad heleysaan abaalkiina oo faraciina deegaanka iyo aduunka laga waayi doono. (Insha allaah).

Ha moodina inuu wakhti idiin ha dhay ee wuxuu idiin bilowday bil ka hor.
…………………………………………

Anigu sidaas ayaan u qeexay abdi ilay iyo daalimiintiisa.

Balse dad badan oo iga eray bixin duwan ayaa abdi ilay iyo noociisa ku sifiiyay inuu yahay nin aan waxba ka Xishoonin, xad xidhaana lahayn, oon lahayn garasho, aqoon, waayo aragnimo, iyo damiir toona. I.w.m

Wax yaabaha foosha xun ee ay sameeyeen kooxdan tobankii sano ee ugu dambeysay ma aha wax aan xisaabi karno waxaana isla ognahay inay midba mida kale ka daran tahay ha ugu dambeysii dhacdadii magaalada qabri-dahare.

Safka uu abdi ilay usoo galinayo dadkeena baraha bulshada ee uu ku qasbayo inay aflagaadeeyaan qaar ka mid ah ehelkooda waa wax yar oo ka mid dhibaatada uu dadka.

Waxaadna noo xaqiijisay xiikmadda hoos ku qoran:

(ﺍﺫﺍ ﻛﺮﻣﺖ ﺍﻟﻜﺮﺑﻢ ﻣﻠﻜﺘﻪ ﻭﺍﺫﺍ ﻛﺮﻣﺖ ﺍﻟﻠﺌﻴﻢ ﺗﻤﺮﺩ)

Oo micnaheedu yahay haddii aad karaameyso nin kariim ah adaa yeesha laakin markaad la’iim karaameyso waa caasigarobaa.

Ma ahayn in adiga oo kale oon weligii wax baranin oon aqli iyo waayo aragnimo lahayn lagaa dhigo madax waxay meel ka dhac weyn ku tahay dadkeena somalida deegaanka.

Waxaa la isweydiiyay waxa kaa qaylinsiinaya maanta ee aad dadka cayda ehelkooda ugu qasbeyso maanta.

Waxtigaagii wuu dhamaaday haddii aad ku badbaadi ficiladan aad saneyneysana kuuma noqoneyso dambi dhaaf iyo cimri dheerar midna.

Waayo ma jirto cid ku raagta ama laasimta wakhti fiican iyo mid xunba kolba meel ayay joogaa iskuna badashaa ee adigu wax yar sug dhiiftii aad shaqeysatay tobankii sano.

WA BILLAAHI TOWFIIQ.
BY.. Sokeeye Hussein Abdi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...