Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya in ay kabilowdeen kacdoono waawayn oo lagaga soo horjeedo maamul kusheega Gumaysiga wakiilka uga ah Ogadenia iyo cadaalad darada gaamurtay ee xukuumada wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoono waawayn oo ay dhalinta Gobolku soo abaabuleen ayaa maalin nimadii shalay oo Khamiis ahayd ka bilowday bagaalada Doollow ee dhacda xuduuda Kenya iyo Ogadenia, halkaas oo ay isugu soobaxeen dhalinyaro iyo dadwayne kale oo aad ubadan, kuwaas oo kudhawaaqayay erayo maamul kusheega Jigjiga kadhan ah.

Dadka shacabka ah ee mudaharaadayaasha ah iyo ciidanka Hawaarinta (Layuu Police) ayaa lasheegayaa in ay fooda is dareen, halkaas oo ciidanka cadawgu ay shacabkii rasaas huwiyeen, waxaana lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac badan.

Inta laxaqiijiyay ciidanka wayaanaha u adeega ee Layuu-ga ayaa dilay 5 qof oo shacab ah halka dhaawucuna uu aad ubadan yahay, sidoo kale waxaa lasheegayaa in ay xabsiga dhigeen dad badan oo shacab ah oo ay aad u jidh dileen.

Kacdoonada ayaa lasheegayaa in ay si dag dag ah ugu fideen magaalooyinka Boqol-mayo, Koolo, Malkaadiido, Filtu iyo meelo kale oo dhamaantood Gobolka Liibaan katirsan, waxaana lasaadaalinayaa in maanta oo Jumce ah ay dhici doonaan kacdoono kale oo shacab oo lagu diidan yahay gumaysiga iyo cawaantiisa.

Kacdoonada shacabka ee lagu diidan yahay cadaalad darada kajirta Ogadenia ayaa meelo badan oo Ogadenia ah kadhacay waxayna kacdoonadii ugu waawaynaa kadhaceen Gobolka Shiniile, qaybo kamid ah Gobolka Faafan iyo magaalada Qabridahare.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...