Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf xoogan oo sookala dhex galay dadka muslimiinta ah ee magaalada Addis Ababa iyo xukuumada wayaanaha ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Sida xogta aan kuhelayno khilaafka ayaa yimid kadib markii dhulka lala simay masaajid wayn oo kuyaalay xaafada Ashawa-mida ee magaalada Addis Ababa, kaas oo sida lasheegay ay kucibaadaysan jireen kumanaan muslimiin ah oo kunool xaafada Ashawa-mida iyo nawaaxigeeda.

Dadka muslimiinta ah oo aad uga xumaaday faldambiyeedka ay kukaceen maamulka wayaanuhu ayaa isugu soobaxay jidadka waawayn ee magaalada Addis Ababa iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin talaabadan sharci darada ah ee lagu baabi’iyay masjidka wayn ee xaafada Ashawa-mida kaas oo ay kucibaadaysan jireen kumanaan qof oo muslim ah.

Ciidanka wayaanaha oo aan ukala aabo yeelin ciroole iyo caano-nuug ayaa lasheegayaa in ay xabsiga dhigeen ugu yaraan 36 qof oo dadkii mudaharaadayay ah, iyagoo dad boqolaal ahna ugaystay jidh-dil iyo dhibaatooyin kale.

Muslimiinta xaafada Ashawa-mida iyo uruka muslimiinta Itoobiya oo iskaashanaya ayaa lasheegay in ay cabashadooda hordhigeen maamulka sare ee wayaanaha, mna jiro wax jawaab ah oo sax oo ay kaheleen, sidoo kale dadka aqoonta uleh taliska wayaanaha ayaa sheegaya in xukuumadu aysan waxba kaqaban doonin talaabadan sharci darada ah ee ciidanka wayaanuhu ay kula dhaqaaqeen dadka muslimiinta ah.

Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si aan kala joogsi lahayn u hagar daamaynaysay dadka muslimiinta ah ee Itoobiya kudhaqan waxaana jira dad aad ubadan oo muslimiin ah oo kujira jeelasha wadanka kuwaas oo dad culimo ah ay kujiraan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...