Banaanbaxyo Lagu diidanyahay Go’aankii EPRDF oo Gobolka Tigrey Kadhacay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigrey ee woqooyiga wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas kadhaceen kacdoono waawayn oo shacabka Tigreegu kaga soo horjeedaan go’aankii gudiga fulinta ee EPRDF ee ku aadanaan magaalada Badame.

Dadka shacabka ah ee udhashay qoomiyada Tigreega ayaa sheegay in ay aad uga soo horjeedaan go’aankii EPRDF iyo taliska wayaanaha ee ahaa in dhulka balaadhan ee Itoobiya iyo Eritrea ay isku hayeen lagu wareejiyo dowlada Eritrea oo horaan ay maxkamad ugu ogolaatay.

Sidoo kale dadka shacabka ah ee udhashay qoomiyada Tigreega ayaa hogaanka cusub ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ku eedeeyay in dhul ay qoomiyadu leedahay oo dhiig badana uu kudaatay uu sifudud doonayo in uu ugu wareejiyo wadanka Eritrea oo horaan dagaal loogaga qabsaday, sidoo kale qoomiyada Tigreega ayaa sheegaysa in taliska cusub ee wayaanuhu uu qaaday taloobo ay kaxishoodeen madaxdii isaga kahoraysay.

Gudiga fulinta ee xisbi kusheega talada wadanka haysta ee EPRDF ayaa todobaadkan horaantiisii go’aamiyay in magaalada caanka ah ee Badame ay leedahay dowlada Eritrea, waxayna gudigu sheegeen in ay uhogaan samayaan go’aankii magaaladaas loogu wareejiyay wadanka Eritrea.

Sidoo kale raysal-wasaare kusheega Itoobiya Abiye Axmed oo warbaahinta afka Gumaysiga kuhadasha lahadlayay ayaa sheegay in ay ciidamadooda kasoo daad guraysan doonaan dhulka xuduuda ah ee mudada dheer ay isku horfadhiyeen ciidamadooda iyo kuwa wadanka Eritrea, wuxuuna Abiye Axmed sheegay colaad dheeraatay in ay nabad kafiican tahay.

Hase yeeshee waxaa go’aankan lama filaanka ah aad uga soo horjeedsaday siyaasiyiinta iyo shacabka qoomiyada Tigreega, kuwaas oo aan filaynin in taliska wayaanuhu qaadi karo talaabo intaas la’eg, waxayna qoomiyadu kudoodaysaa in dhulkii ay dhiiga badan udaadiyeen lasiinayo dad ay cadawgooda kusheegeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...