Raysalwasaareha Ethiopia Abiye Axmed oo Kagudbi La Aqabadaha Tigreega.

Xog rasmi ah oo ay helayso Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in taliska cusub ee wayaanuhu uu mashquul kuhayay xalanti aqabado waawayn oo kaga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta iyo ciidanka qoomiyada Tigreega.

Sida xogta aan kuhelayno aqabada dhowr ah ayaa horyaala taliska wayaanaha Abiye Axmed, kuwaas oo xalintoodu ay ku adagtahay wakhti xaadirkan waxaana aqabadahan kamid ah hirgalinta go’aankiisii ahaa in uu wareejiyo magaalada caanka ah ee Badame iyo in uu xilal kaqaado saraakiil Tigree ah oo isu haystay lama taabtaan.

Qaar kamid ah raga miisaanka ku dhex leh qoomiyada Tigreega oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in aysan ku faraxsanayn sida ay wax usocdaan, waxayna tilmaameen in ay beenin doonaan riyada Raysal-wasaare kusheega cusub ee Itoobiya Abiye Axmed.

Saraakiisha hadalada culculus soo jeediyay waxaa kamid ahaa gudoomiyaha kooxda TPLF Debresion Gebremacheal, kaas oo sheegay in taliska cusub ee wayaanuhu uu qoomiyada Tigreega weerar kuyahay iyaguna ay diyaar garoobo si ay isaga difaacaan.

Sidoo kale waxaa hadal kulul jeediyay Genaral Samore Yonis oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Gumaysiga, wuxuuna Samore go’aamada taliska kusheegay kuwo ciidamada lagu yasayo isla markaana lagu bartilmaameed sanayo qoomiyado gaar ah, wuxuuna sheegay in aan la ogolaan karin.

Waxaase arinta baasiin kusii shubay kadib markii Abiye Axmed uu xilalkii kaqaaday General Samore Yonis oo ahaa taliyihii ciidanka gumaysiga iyo taliyihii ciidanka sirdoonka wayaanaha Genaral Chetachew Assafa, kuwaas oo ahaa labada tiir ee kaliya ee qoomiyada Tigreegu ay kutaagan tahay.

Sidoo kale waxaa soobaxay go’aankii uu taliska wayaanuhu ku ogolaaday in uu wadanka Eritrea kuwareejiyo dhulkii uu horaan uga qabsaday, kaas oo noqday mid qoomiyada Tigreega aad uga xanaajiyay, waxayna hada qoomiyadu umuuqataa mid udiyaar garaysan sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

Website ka ku hadla afka qoomiyada Tigreega ee Tirey Online ayaa sheegay in ay qoomiyadu xaq uleedahay in ay aayahooda katashadaan iyagoo adeegsanaya qodobka 39aad ee tastuurka Itoobiya kaas oo ogol in ay goosan karaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa  
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Taniyo Booqashadii Muranka dhalisay ee Madaxwaynaha Soomaaliya Kubooqday Eritrea Waxaa Markii ugu horaysay Maanta ...
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray Farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ka wantoobaa
- Aug 16, 2018
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ...
Ciidamada Loo yaqaano Liyuu Hail Ee Oromia oo dhacay Geel
- Aug 16, 2018
Ciidamada Oromada Usoo diyaar Garoobay Wax yeelaynta Shacabka Soomaaliyeeda Ogaadeeniya ayaa Geel ka dhacay ...
Xubno Kale oo kamida Maamulkii Abdi ilay oo ADIS ABABA Looga Yeeray.
- Aug 16, 2018
Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray ...
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Agaasime kuxigeenka NISA iyo isbadal lagu Sameeyay amniga Msaxtooyada
- Aug 16, 2018
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha ...
Daawo Madaxweynaha Jubbaland OO Si kulul ula hadlay Dowlada Fadaralka ah
- Aug 16, 2018
Kadib Markii Maalin uun Kahor Laga Celiyay Garoonka diyaaradaha ee kismaayo Laba Msuul OO ...
Shaqa Joojin Usameeyay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa,+ Sababta.
- Aug 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa sheegaya in uu ...
Daawo Taariikda Ururka O N L F iyo Sanad Guuradii 34aad
- Aug 15, 2018
Waxay Maanta oo Kale 15 August sanad kasta ku beegantahay Sanad Guurada Jabhada Wadaniga ...