Sir Culus Xabsiyada Itoobiya oo La Ogaaday Xaqiiqadooda.

Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in xabsiyo aad ubadan oo dadka shacabka ah lagu ciqaabo oo aan la aqoonin ay kuyaalaan guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya Gobol ilaa Dagmo.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa dibada usoo baxay qaar kamid ah dhagartii gumaysiga gaamuray ee Itoobiya, waxaana la ogaaday Hotello iyo dhakhaatiir ay xabsiyo waawayn kafuran yihiin, kuwaas oo dad aad ubadan lagu ciqaabo.

Indergachew Sige oo ahaa hogaamiyihii hore ee Jabhada Ginbot 7 oo dhawaan xabsi kuyaala Itoobiya laga siidaayay ayaa sheegay in uu mudo dheer kuxidhnaa xabsi dhulka hoostiisa ah oo kuyaala dabaqa hoose ee Hotelka caanka ah ee Giyen Hotel, kaas oo kuyaala magaalada Addis Ababa.

Indergachew Sige ayaa sheegay in xabsiyo badan oo aan la aqoonin ay jiraan kuwaas oo laga sameeyay meelo aan laga filaynin sida Hotello iyo Dhakhaatiir iyo waliba xafiisyo, wuxuuna Indergachew sheegay in dad badan oo hada la la’yahay ay kujiraan xabsiyadaas uu tilmaamay.

Sidoo kale siyaasigan oo mudo 4 sano ah kujiray gacanta Gumaysiga ayaa sheegay in dad aad ubadan oo aan laqiyaasi karin ay kudhinteen xabsiyadaas qarsoodiga ah, wuxuuna intaas kudaray in dadka sida gaarka ah loociqaabayo lageeyo xabsiyada qarsoodiga ah.

Arintan ayaa noqotay ceeb wayn oo kusoo baxday taliska wayaanaha iyo wuxuushta uu ku adeegto, waxaana aduunka u cadaatay in dadka shacabka ah ee Itoobiya kudhaqan ay kujiraan gacan dad manaxayaal ah oo sharciga kutunta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...