Qormo Xiiso BadanTuulada aan kasoo jeedo Ismaciil ali ismaciil

:

Laga soo billaabo sanadkii 1950-kii ilaa dhawr sano ka hor intaan hoos udhac ku imanin xoogagga wax’iska caabinta Soomaaligalbeed (wixii 1950-kii ka horreeyeyna warkeedba jooji) Tuulada aan kasoo jeedo marna Laguma arag qof rayid ah oo Itoobiyaan ah.

Dadka tuuladu waxay arki jireen oo kaliya Askar Itoobiyaan ah oo qoryaha keebka haysta; Askartaa afkooda mayna aqoon, magacyadooda mayna kari jirin, qawmiyadaha ama qabaa’ilka ay kasoo jeedaan mayna aqoon, gaalnimo sokadeed diin ay aaminsan-yihiin mayna aqoon, sidaa awgeed ismayna geyin oo gabdhahoodu kama hagoogan jirin (ragba uma qabin), garran iyo garowsho laysuguma iman jirin oo hadday ruux dilaan iyo hadday xilo-rag boobaan mag-dhaw iyo xaal-dhaqan midna lagama qaadan jirin; dacwad sharciyeed iyo garsoor dowladeedna warkoodba jooji.

Haddaan soo gaabiyo gabadha yar ee 4 jirka ah markay aragto askar Itoobiyaan ah intay guriga Hooyadeed ku cararto iyadoo sas’ qabta oo naftu dhuunta isugu timid, ayey ku odhan jirtay Hooyadeed: “Hooyo waata Axmaaradii, Hooyo waata Gaaladii, hooyo waa kuwan kuwii Adeero hebal dilay, hooyo waa kuwan kuwii abtigay ka kaxaystay”.

Meeshii noocaa ahayd maanta oo aan joogno waxaa ku nool qoysas Itoobiyaan ah oo qiyaas ahaan noqon kara 6 % dadka tuulada ku nool. Waa muwaadiniin degaan ah oo cidwalba ka dhiiran, qaarkood farsamada guryo dhiska ayey ku shaqaystaan, qaarkood waa macalimiin, qaarkood waa ganacsato yar-yar, qaarkood waa waxaan-la-aqoon qabtayaal.

Intaas markaan xog-ogaal ka ahay, uma baahni in la ii sharaxo sida ay Itoobiyaanimadu halis ugu tahay dadkayga, dalkayga iyo khayraadkiisa. ilaa hadda mahayno doorasho labaad aan ka ahayn inaan Itoobiyaanimada qoriga caaraddiisa ka hoos galno!, haddii aan qoriga dhigno ka ummad ahaan way na liqaysaa muddo 20 sano ka-yar.

Sidaa awgeed Nin Xafiis uu ka shaqeeyo ama xil uu qabtaa u muuqdo, iima sharaxikaro colaad iyo nabad middii halis badan. Waan Ogahay nooca halista ee labada maraxaladood iyo siday ukala heer-sarreeyaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...