Deg Deg : Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaana oo hoos-yimaada degmada Diinsoor in ay ku dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale ay ciidamada ku soo furteen hub ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

“Ciidamnada Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Kanaana oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, halkaasi waxaan ku dilnay saddex Al-shabaab ah oo watay Mooto, hubkii ay wateena waan ka soo qaadnay, dadka shacabka ah ayay u geysanayeen dhac, xogtooda horey ayaa loo hayay, ciidamada wey ku guuleysteen hawlgalkan.” ayuu yiri guddoomiye Shigshigow.

Wuxuu kaloo sheegay guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow Shababaka la dilay in ay dhibaato iyo dhac u geysanayeen shacabka ku sugan degmada iyo deegaanada hoosyimaada.

Dhinaca kale ehelada raggaasi la dilay ayaa waxa ay sheegeen dadka la dilay in aysan aheyn Shabaab oo waligood aysan ka mid noqon, balse ka mid ahaayeen dadka degaanka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo SIR CULUS Xukuumadda oo $2 Million Dollar Si Qarsoodi ah Baarlamanka Ugu Qaybisay
- Jul 18, 2018
Barnaamijka Galka Baarista Oo Ah Barnaamij Xasaasi Ah Ayaa baanta Kahadlaya Arin Sir Culus ...
Daawo Heesaha Bilaa Music ah ee Halgamayaasha ONLF Abwaan Indhacadde
- Jul 18, 2018
Abwaan Indhacade OO kamida Abwaanada Ciidamada Xoraynta Ogaadeniya Ayaa soogaantiisa Oo Heeso Iyo Goboyaba ...
Deg Deg Hub Lagu Soo Waday Magaalada Addiss Ababa oo Dhexda Laga Qabtay.
- Jul 18, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addiss Ababa ayaa waxay sheegayaan in hub si sharci ...
Kabogo: Shirkii Brussels oo warmurtiyeed laga soo saaray.
- Jul 18, 2018
Waxaa magaalaa Brussels ee caasimada dalka Belgium caawa lagu soo gabagabeeyay shirkii Somali Partner ...
DEG DEG Daawo Dahir Alasow oo la Kulmay Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe
- Jul 17, 2018
Daahir Abdulle alasow Oo ah wariye Caan ka ah Gayiga Soomaalida Laguna Yaqaano Hadallo ...
Daawo:Maxaa sababay in Axmed Madoobe Banaanka uga baxo shirkii Brussels oo uu cadho u muujiyo Madaxwayne Farmaajo
- Jul 17, 2018
Daawo:Maxaa sababay in Axmed Madoobe Banaanka uga baxo shirkii Brussels oo uu cadho u ...
ONLF Press Release on the Oromo Massacre of Somali civilians in Moyale and beyond.
- Jul 17, 2018
On July 12th, more than 50 Somali civilians were indiscriminately massacred by Oromo gunmen ...
Daawo:Abdirahmaan Maadey Xoghayaha ONLF “Isbedel Buuxa waa in ay u diyaar garoobaan Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”.
- Jul 17, 2018
Daawo:Abdirahmaan Maadey Xoghayaha ONLF "Isbedel Buuxa waa in ay u diyaar garoobaan Dadka Soomaaliyeed ...
Daawo Warar Dheeraad ah oo kasoo Baxay Gabdho lagu laayey Ogadenia
- Jul 17, 2018
Waxaa Ogadenia Kasocada Xasuuq Baahsan Oo An loo aaba yeelaynin Caruur Iyo  Ciroole Hadaba ...
Daawo ONLF oo Bayaan Kasoo Saartay Xasuuqa Oromadu Ku Hayso Shacabka Soomaaliyeed ee Mooyale & Deegaamo Kale Ka Socda.
- Jul 17, 2018
Waxay O N L F Bayaan Kasoo Saartay Xasuuqa Oromadu Ku Hayso Shacabka Soomaaliyeed ...