Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.

Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in Gumaysiga Itoobiya uu xidhxidhay ilaa iyo 12 qof oo 9 kamid ah ay yihiin saraakiil boolis iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ah ee la xidhxidhay ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxu uu ka dhacay oo lagu tuhunsan yahay inuu kamid yahay sirdoonka Tigrey. Guud ahaan Gumaysiga Itoobiya ayaa galey marxalad jahawareer kadib markii qaraxa shaley lala beegsadey isu soo bax uu ka hadlay Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha Itoobiya ka hawlgala waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah oo aad u balaadhan. Dhinaca kale Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay aad u liitaan.

Ma aha wax ku cusub taliska Gumaysiga in falal noocan oo kale ah ay isu maleegaan. Waa dhaqan soo jireen ah oo Gumaysiga Itoobiya looga bartay in ay sameeyaan fal kasta oo ay ku xalaalaysan karaan xuquuqda shacabka dulman ee ku hoos jira taliska Gumaysiga Itoobiya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Ururka O Y S U oo magaalada Dhagaxbuur Wacdaro Kadhigay
- Sep 23, 2018
Waxaa magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar lagu qabtay shir si wayn loosoo agaa ...
Daawo Dr Abdirahman Doolaal oo kahadlay Khilaafka O N L F iyo Isaga
- Sep 23, 2018
Dr Doolaal ayaa si faah faah san uga hadlay Farqiga udhaxeeya onlf iyo urarada ...
Daawo:Canaasiir China Group labaxday oo magalada Jigjiga kadilaacday.
- Sep 23, 2018
Bulshada kudhaqan magalada Jigjiga ayaa cabasho xoogan kamuujiyay Kooxo dhalinyaro Abaabulan ah oo magacyo ...
Tv-ga SRTV wuxuu u muuqda inay Heegadii Cabdi iley wali Gacanta kuhayso.
- Sep 23, 2018
Madaxweyne mustafa omar waxan ku qiimeyn doonaa 90-ka Maalmood ee ugu Horaysa inta uu ...
Daawo:Shirwaynihii Ururka OYSU uu magalada Dhagaxbuur kuqabtay.
- Sep 23, 2018
Masuuliyiinta iyo Hawl wadeenka Ururka midowga dhalinta iyo Ardayda Ogadenia ee kusugan Gobolka Jarar ...
Daawo:Taliyaha cusub ee Jeel Ogaadeen oo Afka Furtay.
- Sep 23, 2018
Taliyaha cusub ee Jeel Ogadeen oo Maxamuud Carab oo maalmo kahor xilka lawareegay ayaa ...
Police-ka Addis ababa oo Kumanaan dhalinyaro Axmara ah xabsiga dhigay.
- Sep 23, 2018
Magaalada Addis ababa waxaa kabilawday Hawlgal balaadhan oo Guryaha loogu daadanayo dhalinyarada kasoo Jeeda ...
Daawo:Xog-hayaha Guud ee OYSU oo kawarbixinaya waxa u Qabsoomay.
- Sep 23, 2018
Waxaa wadanka Ogadenia mudo bil iyo siyaada ah kusugan wafdi uu Hogaaminayo xog-hayaha Guud ...
Dareenka Hadheeyay boqashadii madaxwyne Mustaf ee xidhitaanka Jeel Ogaadeen.
- Sep 23, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafe oo ay weheliyaan maxaabiis Hore oo maanta ...
Daawo:Hooyoyinka re Ogadenia ee Addis ababa iyo mudane Cadaani oo isla Ooyay.
- Sep 23, 2018
Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa magalada Addis ababa waxaa uu kula kulmay Hooyooyinka re Ogadenia ...