Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”

Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaasoo uu shalay ka hor jeediyay baarlamaanka Puntland, kuna goodiyay in Puntland dib u soo ceshan doonto Gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray C/weli Gaas uu yahay mid sharciga ka baxsan oo xadgudub ah inuu ku hanjabo inuu duullaan ku qaadayo gobollo ka mid ah dhulka Somaliland.

“Waxaan u sheegeynaa C/weli Gaas in Laascaanood aanay noqoneyn Waqooyiga Gaalkacyo, Buuhoodlena noqoneyn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo Beenta iyo beel laxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo”ayuu yiri Wasiir Guri Barwaaqo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo arrinta xiisada taagan, iyadoo la raacayo qodobadii horay ugu heshiiyaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland shirkii ka dhacay London sanadkii 2012.

Xiisada dagaal ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa ah kuwo weli taagan, iyadoo hadalada labada dhinac ka soo yeeraya ay sii hurinayaan colaada ka taagan Gobolka Sool oo ay isku hayaan labada maamul.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo Xubinta Kalamaan oo aad umaadaysan 22/9/2018
- Sep 23, 2018
Waa Xog waran maadaysan oo wakhtiga la jaan qaadayee Daawasho wacan.
Ururka O Y S U oo magaalada Dhagaxbuur Wacdaro Kadhigay
- Sep 23, 2018
Waxaa magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar lagu qabtay shir si wayn loosoo agaa ...
Daawo Dr Abdirahman Doolaal oo kahadlay Khilaafka O N L F iyo Isaga
- Sep 23, 2018
Dr Doolaal ayaa si faah faah san uga hadlay Farqiga udhaxeeya onlf iyo urarada ...
Daawo:Canaasiir China Group labaxday oo magalada Jigjiga kadilaacday.
- Sep 23, 2018
Bulshada kudhaqan magalada Jigjiga ayaa cabasho xoogan kamuujiyay Kooxo dhalinyaro Abaabulan ah oo magacyo ...
Tv-ga SRTV wuxuu u muuqda inay Heegadii Cabdi iley wali Gacanta kuhayso.
- Sep 23, 2018
Madaxweyne mustafa omar waxan ku qiimeyn doonaa 90-ka Maalmood ee ugu Horaysa inta uu ...
Daawo:Shirwaynihii Ururka OYSU uu magalada Dhagaxbuur kuqabtay.
- Sep 23, 2018
Masuuliyiinta iyo Hawl wadeenka Ururka midowga dhalinta iyo Ardayda Ogadenia ee kusugan Gobolka Jarar ...
Daawo:Taliyaha cusub ee Jeel Ogaadeen oo Afka Furtay.
- Sep 23, 2018
Taliyaha cusub ee Jeel Ogadeen oo Maxamuud Carab oo maalmo kahor xilka lawareegay ayaa ...
Police-ka Addis ababa oo Kumanaan dhalinyaro Axmara ah xabsiga dhigay.
- Sep 23, 2018
Magaalada Addis ababa waxaa kabilawday Hawlgal balaadhan oo Guryaha loogu daadanayo dhalinyarada kasoo Jeeda ...
Daawo:Xog-hayaha Guud ee OYSU oo kawarbixinaya waxa u Qabsoomay.
- Sep 23, 2018
Waxaa wadanka Ogadenia mudo bil iyo siyaada ah kusugan wafdi uu Hogaaminayo xog-hayaha Guud ...
Dareenka Hadheeyay boqashadii madaxwyne Mustaf ee xidhitaanka Jeel Ogaadeen.
- Sep 23, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafe oo ay weheliyaan maxaabiis Hore oo maanta ...