Shirwaynihii 3-aad ee Jabahada ONLF oo Ka Furmaya Wadanka Eritrea.

Waxaa ka furmaya wadanka Eritrea Shirwaynihii 3-aad ee Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO). Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalaya ergooyin boqolaal ah oo ka kala yimid shanta qaaradood ee aduunka kuwaasi oo isugu jira masuuliyiinta JWXO, kaadirka, xubnaha, Golaha Dhexe.

Shirka ayaa waxaa lagu dooran doonaa Gudoomiyaha JWXO waxaa kale oo lagu dooran doonaa xubnaha Golaha Dhexe waxaana intaas ka horaysa shirka oo kulamo wada-tashi ah sii yeelan doona haduu ilaahay yiraahdo xubnaha Gudiga Fulin iyo Golihii Dhexe ee wakhtigoodii dhamaaday.

Shir waynihii ugu horeeyay ee Jabhada ONLF ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Ogaadeniya gaar ahaana taariikhdu markay ahayd 1992-dii, waxaana gudoomiye loogu doortay xilligaas allaha u naxariistii Sheekh Ibraahim Cabdale Maax Hogaamiyaha ruuxiga ah ee JWXO. Waxaa kale oo shirwaynihii 2aad lagu qabtay isla gudaha Ogaadeniya sanadku markuu ahaa 1998 dii waxaana lagu doortay gudoomiye Adm. Maxamad Cumar Cismaan oo ah gudoomiyaha hada ee xilka haya.

Laga soo bilaabo 1998-dii ilaa wakhtigan xaadirka ah ayaan wax shirwayne ah la qabanin duruufo aad u qalafsan iyo halgan dheer oo lasoo maray awgii taasi oo keentay inuusan qabsoomin shirwaynaha ururka balse waa ilaahay mahadii in maanta lagu qabto shirwaynihii 3-aad ee JWXO Wadanka Eritrea.

Shirwaynahan ayaa wuxuu dhanka kale kusoo beegmayaa xili is badal wayn uu ka dhacay Itoobiya, is badalkaas oo laga yaabo inuu saamayn ku yeesho dadka Soomaalida Ogaadeniya ee gacanta gumaysiga ku jira. Shirwaynahan ayaa aad isha ugu haya shacab waynaha Soomaalida Ogaadeniya kuwaasi oo ka dhur sugaya waxa kasoo baxa iyo hogaanka cusub ee soo bixi doona haduu ilaahay yiraahdo.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo maalmaha fooda inagu soo haya, wixii warar dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa.

    

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dabinka uu la damacsanyahay Rw Itoobiya Cabdi Iley .
- Jul 22, 2018

Daawo:Oramadii oo Qabsatay Gaadhii Sahay uwaday Soomaalida iyo Xaaladii Dagaalka oo ka sii daraysa.
- Jul 22, 2018
Daawo:Oramadii oo Qabsatay Gaadhii Sahay uwaday Soomaalida iyo Xaaladii Dagaalka oo ka sii daraysa.  
Daawo:madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo si adag uu jawaabay farmaajo .
- Jul 22, 2018

Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo Kooxda TPLF Uga Socda Maqale.
- Jul 22, 2018
Wararka aanka helayno gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in qowmiyada tigrayga ay ku jirto shir ...
Itoobiya oo Soowada Warbixin Ku Saabsan Musuqa.
- Jul 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu bilaabay badhitaan lagu ...
Deg Deg Abiy Axmad oo Safar Ku Tagaya Dalka Maraykanka.
- Jul 22, 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa lagu wadaa in 30 bishan July booqasho rasmi ...
In ka badan 50 jeer oo aan Taleefan qarsoodi ah kula hadlay (muddadii xabsiga), Maxay ahayd farriintii ugu qaalisanayd een ka helay by Ismaciil Cali
- Jul 22, 2018
In ka badan 50 jeer oo aan Taleefan qarsoodi ah kula hadlay (muddadii xabsiga), ...
Daawo Riwaayad Qosol Badan Hotelkii Baraan barada.
- Jul 21, 2018
Daawo Riwaayad Qosol Badan Hotelkii Baraan barada.
Daawo Dowlada Jabuuti Oo Qaramada Midoobay Uga Dacwootay Eritrea
- Jul 21, 2018
Dawladaha Jabuuti Iyo ERITREA ayaa waxaa Kadhaxeeya Khilaaf Xuduudeed Oo kaasi oo muda dheer ...
Daawo:Filim Cajiib ah oo laga sameeyay Ragga Yurub kaga maqan Xaasaskooda nairobi jooga.
- Jul 21, 2018