“QALBI-DHAGAX IYO QAARKALE OO BADAN” Warbixin kaa ilmaysiin doonta W/Q: Mahir Jama Adam ( QORMO)

Ma ooyin, mana qiiroon, laakiin waan cabsaday ka dib markaan aad u dhuuxay hadalkii uu Qalbi-dhagax ka jeediayay munaasabadii soo dhoweynta xoriyadiisa ee ka dhacday Magaalada Nairobi, taasoo si weyn u saameysay quluubta bulshada Soomaaliyeed. Hadaba si aad u ogaato waxa igu dhaliyay cabsida fadlan wada aqri sheekadan hoose.

Inta u dhaxaysay 2000- illaa 2005-tii, waxaa gudaha dalkeena lagu dilay saraakiishii ugu badnayd ee ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, kuwooda dal-jooga ahaa, xiligaas waxaan aad isu weydiin jiray labo su’aalood oo ahaa.
1- Yaa fulinaya beegsiga iyo dilka saraakiisha?
2- Sabab, maxaa loo beegsanayaa Saraakiishan aan hadda ciidan iyo qaran midna haysan, qaarkoodna iska noqday garab rarato?. Yay dhibaysaa noloshoodu?.
Mudadaas ma jirin al-qaacidda, Al-shabaab iyo ciidamo ajnabi ah oo si muuqda u jooga dalka, laakiin waxaa jiray rag hubaysnaa oo hor-joogayaal qabiil ahaa, kuwaasoo aad ula saaxiib ahaa dalalka deriska ah ee uu ku jiro damaaciga dhulka iyo kheyraadka Soomaaliyeed, mararka qaar tuhunkeygu wuxuu qaban jiray Qab-qablayaashii joogay caasimadda dalka Muqdisho oo ay badi falalkaas ka dhacayeen. (Waa haddii uu tuhunkeygu saxnaa).

Marka aan kali-gorfeeyo arinkaas waxay iila ekaan jirtay, in rag aan aqoon iyo siyaasad lahayn, hadana ku fadhiya awood qabiil oo hubaysan, looga faa’iideysan jiray in qarankii dumay lagu sii tirtiro dabaadigiisii ama dhaxalkisii, dilka saraakiishana uu ahaa siyaasad dowlado kale, oo rabay inay hubsadaan geerida qarannimada Soomaaliya, isla markaana qorshahoodu ahaa in ay adkaato kabashada ciidan qaran oo xoog leh oo ay Soomaaliya markale yeelato.

Hadaba xiligaas waxaa mararka qaar isu kay sawiri jiray in ugu yaraan 20 sano ay qaadan doonto dhismaha ciidan qaran oo ay Soomaaliya dib yeelato, waxaase maanta dhaqaalo walba lagu bixiyaa arintaas, dowlado badan ciidamadooda ayay shaqo abuur uga haleen Soomaaliya, ururo diimeed badana waxay ka dhigteen dalkan halka ugu danbaysa ee ay ka aadaan janada!.
Waxaan ogahay in waxkasta ay ku dhacaan sabab, sidaa darteed maanta oo la soo gaaray halkii nalala doonayay, ayaan waxaan fahmay in qaranku leeyahay hanti ay tahay in la illaashado inta uu wadanku nolol iyo mustaqbal sii rabo. Dadka uu wakhtiga iyo cimliga geliyo qaranka, iyo mabda’a guud ee marka waxkasta lagu kala duwanaado isu keenaya danta iyo qaddiyadda bulshada, labadaas waa hanti qaran oo ay sahal ku lumiso Soomaaliya.

Hadaba ka soo gudub mudadaas fog, oo kaalay maanta oo ay dalkeenu maamusho dowlad federal ah oo aaminsan inay tahay tii ugu wanaagsanayd ee soo marta dalka tan iyo 1991-kii, waxaad cabirtaa waxa ay ku salaysantahay fadeexadda siyaasadeed ee haraysay siyaasadda dowladda, ka dib raadi farqiga u dhaxayn kara kuwa loo soo diri jiray dilka saraakiisheena qaran si ay noo curyaamiyaan iyo kuwa ciidamadeena ku soo qabanaya isla ciidankeenii qaran ee haddana u hibeeyay cadowgii shalay kula dirirayay qaddiyadda Soomaalinimo?.

Cabdi kariin Sh.Muuse Qalbi dhagax waa muwaadin ka mid ahaa hanti-qarameedkii Soomaaliya, isla markaana usoo huray dhiigiisa difaaca dalkan iyo dadkan 1977-dii, waliba isagoo xambaarsan astaanta qaran ee Soomaaliyeed, waxaa ka dumay qarankisii lahaa qaddiyadda iyo mabda’a uu ku taagnaa ee ah baadi-doonka dhulka Soomaalida maqan, laakiin isagu meel iskama fariisane wuxuu sii waday qaddiyadiisii ayadoo oo jabhadaysan.

Wixii intaas ka danbeeyay dowladda Soomaaliya waxay wajahday caqabadihii siyaasadeed ee ugu badnaa oo si is xiga usoo saarayay culays, laakiin guuxii dadweynaha ee u hadlayay muwaadinka qalbi-dhagax ayaa ku beeray madaxda dowladda xaalad aamusnaan ah, wakhtigaase diiday inay ku sii jiraan aamuskaas, waayo arintu ma noqon mid Ethiopia ay qariso oo 31-August 2017-dii ayuu TV-ga qaranka ee dalkaas baahiyay in dowladda Soomaaliya usoo gacangelisay ciidankoodu Qalbi-dhagax oo ka mid ahaa saraakiisha ONLF ee ay sida weyn u raadinayeen.

Laakiin goortaas waxay madaxda dowladda Soomaaliya ay haysteen fursad ah inay hab siyaasadeed wanaagsan ku saxaan khaladkii dhacay ee gali waayay shakiga, waxayse taa badelkeedii xukuumadda Soomaaliya gashay khaladkii xigay oo siyaasad iyo qaddiyad ahaan ka sii cuslaa dhiibistii Qalbi dhagax, waxaana shir todobaadle ah oo yeeshaan golaha xukuumadda Soomaaliya lagu go’aamiyay in dowladda Soomaaliya ay jabhadda ONLF u aqoonsatay argagixiso, Qalbi-dhagax na yahay mid xidhiidh la leh Al-shabaab.

Labada masuul ee u sareeya fulinta dalka midna kuma dhicin inuu hadalkaas toos ugu soo bandhigo dadweynaha, laakiin wasiirkii warfaafinta ee xiligaas Cabdi-raxmaan Yariisow ayaa 06-dii September 2017 aqriyay qoraal ka soo baxay shirkaas tacajabka badnaa, wuxuuna diiday qudhiisa inuu wax su’aal ah uga jawaabo saxaafadda uu warqadda u aqriyay!.
Waxaa intaas hareer socday in dad abaabulan oo taageersan magaca Nabad iyo Nolol ay baraha bulshada ku difaacayeen madaxda dalka ayagoo Soomaalinimada ka saarayay Qalbi-dhagax, laakiin arimahaas marna ma moosi Karin guuxii qadiyadaysnaa ee shacabweynaha Soomaaliyeed.

Caruurtii, qoyskii iyo ehelkii Qalbi-dhagax waxaa ay ka carareen dalka ayadoo ilmadu dareerto dhabanada, kana baqaya in loo bartilmaameedsado danbiyada uusan lahayn aabahood ee ay dusha ka saareen madaxda dowladda Soomaaliya, marna lama sharxi karo xanuunka ay leedahay qisadan.
Waxay marxaladdu hadba waji yeelato, rajo walbana sii nusqaanto, waxay arin ahaatay qorshihii Alle, oo Qalbi-dhagax wuxuu Alle naxariista ka siiyay meel uusan marna ka fisheen, waxaa cafis u fidiyay Reysulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo raadinaya maslaxadda dalkiisa. Hadaba waxaa beenowday in sii deynta Qalbi-dhagax ay haba yaraatee wax lug ah ku lahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya, inkastoo aanay sheegan ayagu hadana wuxuu ahaa hadal loo yiri.

Sida ka muuqatay Qalbi-dhagax oo ka fogaanaya hadal saameyn daran ku yeelan kara bulshada siisay jaceylka iyo taageerada wada jirka ah, ogsoonna hadii uusoo qaato ereyada la yiri intii la dulminayay isaga, magacyada iyo tilmaamaha shaqsiyaadka u gefay inay sababi karto ugu yaraan saameyn dhaawcda garaadka bulsho ay wax badan ka daahsontahay, ayaa u hadlay si guud oo uu ku dhargay qof walba oo qabay baahi ku aadan sida ay u dhacday qisadiisu, waana mid cabsi badan dhab ahaantii.
“ Anigoo ah Cabdi kariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo usoo dagaalamay dalka, anigoo dagaal ku jira ayaan ku qaan-gaaray, Waligey Shaqo guud (Qaran) mooye ma qabsan shaqo ii gaar ah, waxaan waligey nafteyda iyo dhiigeyga u hurayay dadka soomaaliyeed, waxaan usoo halgamayay illaa hadda inaan xaqiijiyo inuusan qof Soomaali ah ciil qaban, qabsanin gunimo iyo inuusan dad shisheeye daciifnimo ku hoos noolaanin, Anigoo danteyda u daayay, oo aan uga baxay qoyskayga howshaas darteed, Hadana wax hanti ah ma lihi, xoolo lihi, waliba taako dhul mulki ah kuma lihi dalka, maxaa yeelay waxaan u baxay danta umaddayda,

Markii aan arkay sida foosha xun ee ay iila dhaqantay dowladda Soomaaliyeed,. galkacyo ayaa la iga qabtay oo la igu hayay 3-maalmood, six un oo ihaano ah baa la iila dhaqmay, waa la iga soo qaaday oo muqdisho ayaa la ikeenay waxaa la iila dhaqmay si fool xun oo ihaano ah, markii aan arkay iyadoo inta la I garba duubay, indhaha la iga xidhay, anigoo caga-cad oo qaawan la igu wareejiyay ciidanka Ethiopia, waxay aheyd arin aad iyo aad iiga cadhaysiisay, aadna iiga nixisay, Markii aan dareemay in markale Airport ku yaala magaalo Soomaaliyeed oo aan qiyaasayo inay aheyd darafka xuduuda Ethiopia ku beeganin la iga dejiyay, ma aqaan inay Baydhaba aheyd waase suuro gal, inta la iga soo dejiyay sawiro la iga qaadanyo hadana isla markiiba la igu celinayo diyaaradda,

Markii la igeeyay Godey oo ay Soomaalida inteeda xun ee halkaas joogtey ay dhaanto igu dul qabsadeen, aflagaado markii ay iimiiseen, sida ay ii cayayeen markii la iga qaaday anigoo ihaanaysan oo katiinaysan oo lugaha iyo indhaha ka xidhan, gacmaha ka xidhan, waxaan aaminay in aanan dal lahayn, oo waxaa iga dhaadhacday qalbigeyguna is weydiiyay in aan dad iyo arxan lahayn, laakiin waxay arintaas iga ba’day markii aan ogaaday inaan leeyahay Walaalo Soomaaliyeed oo ka badan 30-Milyan, oo dareenkaas hal mar wada dhaqaajiyay oo hiil iyo taageraba ila garab taagan!”.

Intaas ayaan ka soo qaaday hadalkii dheeraa ee Qalbi dhagax, Hadaba waxaan la cabsaday mahan wax ii gooni ah, laakiin markaan maqlay qisadan foosha xun ee xanuunka badan leh, ayaan u cabsaday dalkeyga, oo aan ka baqay in ay saameyn xun ku yeelato quluubta ciidankeenu, qisadana noqoto dhaxal daran oo ku raagta quluubta Soomaaliyeed, Qaran ninkiisii cadowga u dhiibay isagoo waliba bahdilaya waa mid ka mid ah xusuusaha aan kolna hari doonin ee loogu soo tusmo-qaadan doono hab-siyaasadeedka iyo hogaaminta Madaxda maanta.

MAHADSANIDIIN
W/D: Mahir Jama Adam

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...