Eritrea oo Markale Kusoo Noqonaysa Urur IGAD oo Ay Horay Uga Baxday.

Kadib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii mudada dheer u dhaxaysay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka. Maxbuub Macalin ayaa ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida geesinimada leh ee uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.

Labada dal ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda ka dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo Eritrea muddo 20 sano kaddib.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Oramadii oo Qabsatay Gaadhii Sahay uwaday Soomaalida iyo Xaaladii Dagaalka oo ka sii daraysa.
- Jul 22, 2018
Daawo:Oramadii oo Qabsatay Gaadhii Sahay uwaday Soomaalida iyo Xaaladii Dagaalka oo ka sii daraysa.  
Daawo:madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo si adag uu jawaabay farmaajo .
- Jul 22, 2018

Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo Kooxda TPLF Uga Socda Maqale.
- Jul 22, 2018
Wararka aanka helayno gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in qowmiyada tigrayga ay ku jirto shir ...
Itoobiya oo Soowada Warbixin Ku Saabsan Musuqa.
- Jul 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu bilaabay badhitaan lagu ...
Deg Deg Abiy Axmad oo Safar Ku Tagaya Dalka Maraykanka.
- Jul 22, 2018
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa lagu wadaa in 30 bishan July booqasho rasmi ...
In ka badan 50 jeer oo aan Taleefan qarsoodi ah kula hadlay (muddadii xabsiga), Maxay ahayd farriintii ugu qaalisanayd een ka helay by Ismaciil Cali
- Jul 22, 2018
In ka badan 50 jeer oo aan Taleefan qarsoodi ah kula hadlay (muddadii xabsiga), ...
Daawo Riwaayad Qosol Badan Hotelkii Baraan barada.
- Jul 21, 2018
Daawo Riwaayad Qosol Badan Hotelkii Baraan barada.
Daawo Dowlada Jabuuti Oo Qaramada Midoobay Uga Dacwootay Eritrea
- Jul 21, 2018
Dawladaha Jabuuti Iyo ERITREA ayaa waxaa Kadhaxeeya Khilaaf Xuduudeed Oo kaasi oo muda dheer ...
Daawo:Filim Cajiib ah oo laga sameeyay Ragga Yurub kaga maqan Xaasaskooda nairobi jooga.
- Jul 21, 2018

Daawo:doodii Jimcaha iyo Siyaasiyiin kala aragti Fog oo la kulmiyay.
- Jul 21, 2018