Madaxwaynaha ERITREA Afewerki oo gaaray Addis Ababa

Madaxweynaha Eritrea Isias Afewerki ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano. Booqshadiisa ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dal ayaa go’naa tan iyo wakhtigaas, waxaana sidoo kale kala irdhoobay qoysas wada dhashay ama xidid ahaa.

Xurguftii labada dal dhex martay ayaa noqotay mid gobolka ku fidday.

Tan iyo markii uu dhowr bilood xukunka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya waxaa ka socday isbeddello siyaasadeed iyo kuwo milateri, wuxuuna sidoo kale isku dayayey inuu dib u hagaajiyo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay waddamada gobolka.

Eritrea iyo Itoobiya waxaa u dhexeeyay colaad dhanka xadka ah tan iyo sannadkii 2000 markaasi oo heshiis nabadda ah lagu joojiya dagaalka oo tobbonaan kun oo qof lagu dilay.

Guddiga soo kormeero deegannada xadka ah ee lagu muransan yahay ayaa la sameeyay kaddibna waxaa laga la saxiixday heshiis magaalada Badme lagu siiyay Eritrea halka Itoobiya ay diiday inay aqbasho in magaaladaasi lagu wareejiyo Eritrea.

Wixii intaasi ka dambeeyay xaaladda xadka labada dal way kacsanayd.

Colaadda labada dal waxay saamayn ku yeelatay gobolka, waxay u kala safteen dhincayda ku dagaallamaya Soomaaliya, Eritrea waxaa lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya halka Itoobiya ay taageerto dowladda Soomaaliya.

ilaa xilligii uu Abiy Axmed uu Ra’iisul wasaare Itoobiya ka noqday wuxuu billaabay isbaddalo cusub.

Wuxuu kulan magaalada Asmara kula qaatay madaxweynaha Eritrea halkaaso ay heshiisyo dhowr ah ku kala saxiixdeen.

Labada hoggaamiye waxay sheegeen inay ka shaqaynayaan sare u qaadidda arrimaha dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta xiriirka dublumaasiyadeed.

Waxaa markii ugu horreysay laisugu furay khadadka telefoonada labada dal tan iyo sannadkii 1998-kii, dadweyanaha labada dal ayaa soo dhaweeyay tallaabada isgaarsiinta labada laisku furay, waxayna durbadiiba billaabeen inay wacaan eheladooda kala joogo labada dal.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...