Militariga Itoobiya oo Mar Kale Qalalaase Kabilaabay Ogaadeeniya.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee faragalinta qaawan kusameeyay wadanka Ogaadeeniya ee awalba gacanta Gumaysiga kujiray ayaa lasheegayaa in ay mar kale dib wadanka uga bilaabeen qalalaase xoogan.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka mulatariga Itoobiya oo si sharcidaro ah kugalay wadanka Ogaadeeniya ayaa mar kale maalinnimadii shalay oo Isniin ahayd bilaabay in ay dib ugusoo laabtaan gudaha magaalooyinka waawayn ee Ogaadeeniya gaar ahaan magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan.

Ciidanka gumaysigu ee magaalooyinka kusoo laabtay oo ku andacoonaya in ay amaanka sugayaan ayaa lasheegayaa in ay dad badan kulaayeen magaalooyinka Jigjiga iyo dirdhebe, waxaana lasheegayaa in kacdoonka shacabku uu mar kale kabilowday meelo badan oo Ogaadeeniya kamid ah, gaar ahaan magaalooyinka waawayn.

Ciidanka gumaysiga oo la ogyahay in ay amaanka faraha kabixiyeen kadib markii ay sixoog ah kugaleen xarumaha maamulkii ay iyag samaysteen ee Jigjiga fadhiyay, kaas oo mudo dheer shacabka ujilib xidhay gumaysiga madow ee daashaday.

Dadka shacabka ah ee lagudilay wadanka Ogaadeeniya maalinnimadii shalay oo kaliya ayaa lagu qiyaasay 20 qof waxaana lasheegayaa in magaalada Dirdhebe oo kaliya lagu dilay 15 qof oo shacab ah, kuwaas oo rasaasta ciidanka gumaysiga ugeeriyoiday.

Sidoo kale magaalada Jigjiga ayaa lasheegayaa in ay kudhinteen dhowr qof oo shacab ah kadib markii dadka Soomaalida ah iyo shacabka Itoobiyaanku ay iskufara saareen goob masaajid ah oo Itoobiyaanku ay gubi rabeen, halkaas oo dadka Soomaalida ah na ay is hor taageen.

Dhaawaca dadka shacabka ah ee Jigjiga iyo Dirdhebe ayaa lasheegayaa in uu aad aad ubatay meel badana ay kudayacan yihiin daawo iyo daryeelna aan loohaynin.

Isku soo wada xoodhiyoo dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogaadeeniya ayaa dareemay Gumaysi hor leh oo kii farsamaysnaa kaduwan waxayna shacabku diyaar uyihiin in ay sharaftooda difaacaan inta ay awoidaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday war ka farxiyey Ciidamada Liyuu Booliska
- Aug 15, 2018
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasna ah ...
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
- Aug 15, 2018
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
- Aug 15, 2018
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogaadeeniya
- Aug 15, 2018
Waxaa Isbad Badalaya Xaalada Siyaasadeed Ee Ogadenia Hadaba Halkan kadaawo Warkii ugudambeeay oo amuurtaasi ...
Daawo Magaalada Diridabo Oo ay kasocdaan Hawlo Nabadayn
- Aug 15, 2018
Kadib Dagaalo Kul Kulul Oo Dad Soomaali ah lagu laayay Ayaa Waxaa Kulmay Odayaasha ...
Press Release: OYSU Delegation Arrives in Jigjiga.
- Aug 15, 2018
Press Release 14/08/2018 OYSU Delegation Arrives in Jigjiga On August 14th 2018, Ogaden Youth and Student Union ...
JIG JIGA. JAWAABTA IGA SOO BAXDAY WAFUUDA OYSU EE DALKI HOOYO JOOGTA IYO KALA WAR LA,AANTA SHACABKA DIBADA.
- Aug 15, 2018
Hello, xoghaya guud ayaan ku salaamay mudane shaafi sheikh abdi shaafi shilaabo ka dib ...
Saraakiisha Ethiopia oo Su’aalo Layeeshay marwadii Abdi ilay iyo Wasiiradiisii
- Aug 15, 2018
Isbadalada Kadhacay Deeganka Ma aha Mid laqiyaasi karo Waxaana Saraakiisha Ethiopia oo Su'aalo Layeeshay ...
Trump oo Laga Duubay Cajal Kale oo Qarsoodi Ah.
- Aug 15, 2018
Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah ...
AASAASKII JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)
- Aug 15, 2018
Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Kaddib markii uu hoos u dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo ...