Wararkii ugu dambeeyey ee Jig-Jiga iyo Abdi Iley

:

1. Cabdi iley iyo xaaskiisa waxaa loo qaaday Addis ababa, waxaana qaaday Diyaarad helicopter ah oo shidaal kasii qaadatay magaalada Diridhaba.
2. Axmed Cabdi (Ilkacase) Madaxwaynaha cusub ee kilalka ayaa maanta la kulmay odayaashii magaalada Jigjiga wuxuuna u sheegay: “Madaxwaynihii hore waa la qaaday isaga iyo xaaskiisii, dowladda dhexana way sharfaysaa. Ciidankii Liyuugu magaalada way ka bexeen, waxaan ku idhi Ciidanka Federalka la shaqeeya laakiin way i diideen, eegana Saraakiishoodii ayaan caawa sugayaa, idinkuna ila shaqeeya oo dadkii xoolahooda la dhacay aan guddi u magacawno”

3. Odayaasha oo uu Garaad Kulmiye kujiro ayaa canaantay wiilka yar ee maxawaynaha laga dhigay, wuxuuna ku yidhi “Dadka maad la hadashid, ciidanka Federalka iyo shacabka maad kala dhexgashid?” Axmed ilkacase ayaa odayaasha u sheegay inuu la hadlay taliyaha guud ee Ciidanka Ethiopia kana codsaday inay military-gu suuqa ka baxaan lagana aqbalay oo berri xafiisyada la aadi doono.

4. Kulanka Odayaasha iyo ilkacase waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood; 5 culimo ah, 5 Odayaal dhaqan ah iyo 5 Heego ah oo soo Ururisa hantidii la boobay.

5. Warar ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Laba’gole uu dhakhtar yaallo oo uu dhiig-kar ku dhuftay kadib markii Cabdi iley la qaaday.

6. Caawa fiidkii dabaal deg aan sababtiisa la sheegin ayey dhalinyarada HEEGO billaabeen, Liyuuguna rasaas ayey ridayeen laakiin waxay u muuqataa iska kal-jeclaysi ah inuu Cabdi iley soo noqdo.
Wariye ismaciil Ali ismaciil

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...