Deg Deg Shacabka Tigreega oo Xaalad Cabsi Ay Lasoodaristay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Tigree ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay dadka deegaanka lasoo daristay cabsi aad uwayn oo sida lasheegay aan Gobolka Tigrey waayadan soomarin.

Sida xogta aan kuhelayno dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta kudhaqan Gobolka Tigrey ayaa kawal wal qaba weerar balaadhan oo kaga yimaada dhinaca xukuumada Addis Ababa ee uu hogaamiyo ninka sida wayn siyaasiyiintii Tigreega uwiiqay ee kasoo jeeda qoomiyada Oromada Abiye Axmed, oo Raysalwasaare loodoortay bilo kahor.

Cabsida soofood saartay qoomiyada Tigreega ayaa timid kadib markii xukuumada Gumaysigu ay faragalin ciidan oo qaawan kusamaysay wadanka Ogaadeeniya ee gacanta gumaysiga kujira, halkaas oo dad badan oo shacab ah ay kulaayeen.

Qoomiyada Tigreega iyo maamulkooda ayaa aaminsan in ay iyaga iyo soomaalidu isku Doon saaran yihiin, ayna filayaan in weerar qaawan lagusoo qaadi doono deegaankooda iyo dadkooda.

Qoomiyada Tigreega oo mudo 27 sano ah xukunka wadanka Gumaysiga Itoobiya ku amar kutaaglaynaysay ayaa bilihii lasoo dhaafay ahayd qoomiyada ugu liidata qoomiyadaha Itoobiya marka laga eego dhinaca siyaasada, waxayna gaadhay heer dadkeedu ay kala qaxaan cabsi iyo rajo xumo owgeed.

Dhinaca kale Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysiga Itoobiya Abiye Axmed ayaa umuuqda mid wax kuwada dhaqankii lagu ababiyay ee Itoobiya, wuxuuna bilaabay naas nuujinta qoomiyada Oromada iyo ururkiisa OPDO.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...