Jigjiga Qiso naxdin leh: oo dhexmartay Aabe soomaaliyeed iyo wiil dhalinyaro ah.

Waxay ahayd abaarihii 8: 30 laba saac iyo bar fiidnimo waxaan soo fariistay Maqaaxi caanaha iyo shaaha lagu iibiyo , waxaan soo dhinac fariistay oday weyn oo waayeel ah oo aan ku qiyaasay da’diisa 65 sano , waan salaamay , salaantii buu iiga qaaday si farxad leh ,wuxuu iweydiiyey magacayga ? waxaan iri Cabdirisaaq, horay ayuu sheego iiga bilaabay sidii qof aad ii garanaya ,si dareen leh ayaan u dhegaysanayey sheekadiisa sheekadiisa , waxaanba ilaaway inaan wax dalbado ,wuxuu u dhawaaqay qofkii maqaaxida ka adeegayey oo ku yiri “ Ninkaan shaah u keen “ Markaas ayaan iri adeer mahadsanid ,shaaha ma cabo , markaas ayan dalbaday koob caano ah .
Sheekadii ayuu halkii iiga waday in mudo ah , anigoo jeclaysanaya sheekada odayga waxaa TV horteena yaalay kasoo warkii fiidnimo sheekadii ayuu joojiyey , aniguna waxaan u jeestay inaan warka xoogaa ka daawdo , 15 daqiiqo kadib ayaan usoo jeestay dhinacii odayga , Mise odaygii wuuba oynayaa ilinta indhihiisa katimi ilaa dhuuntiisa ayay soo gaartay |

Aaad baan u naxay waxaan u maleeyey in xaalad caafimaad qabstay , Intaan kacay ayaan hortiisa soo fariistay oo aan ku iri adeer ,maxaa kugu dhacay ii sheeg , adeer maxaa kugu dhacay ? laba jeer ayaan dhakhso ugu iri , ?

Wuxuu igu yiri “ Adeer hoos u hadal dadkaas yaanay ina maqline waxaan la ooyay dadkaas hadaan u sheego wax waalan bay ii malaynayaane lknse adiga waan kuu sheegayaaye meeshaadii hore soo fariiso “

Haye ayaan dhahay booskaygii ayaan kusoo laabtay , markaas ayaan iri adeer ii sheeg waxa kaa oohiyey,

Wuxuu iigu jawaabay “ Adeer waxaan la ooyay macaanka dawladnimada faaiidada ay leedahay , karaamada qof ahaan aad qof ahaan dareemayso markaad dawlad leedahay . waxaan la qiirooday Qodob kujira warka hada aan daawanaynay , oo ah Dawlada yar ee aan walaalaha nahay ee jabuuti oo diyaarado udirtay ethopia si ay usoo daad gurayso dadka jabuutiyaanka ah ee halkaas jooga maadaama dagaalo ka dhaceen wadanka Ethopia , eeg dawladaas yar waxay u daqnatay dadkeedii , waxaa macno ugu fadhiya hal qof oo dadkeeda kamid ah , wasiiradii jabuuti oo dhan ayaa garoonka kusu gayey dadkaa ethopia laga keenaya intii xanuunsanayd markiiba cisbitaal ayaa horay laga geeyey , diyaaradaha loo diray waxay ahaayeen bilaash , waa karaamada iyo faaiida ugu yar ee dawladnimo leedahay , intaas markaan daawaday ayaan soo xasuustay beri hore soomaaliya karaamaday aduunka ku lahayd iyo hada oo dadka soomaaliyeed meel kastoo aduunka kamid ah lagu dhibaataynayo oo cid wax iskaga tirinaysaa jirin waayo dawlad malahan , Adeer walaahi intaas ayaan la ilmeeyey ee hayla yaabin .

Waxaan ugu jawaabay adeer kula yaabi maayo waxaad la oysay wax Gar ah ,Insha allah soomaaliya karaamadeedii way soo laabnaysaa , Rajo ayaan leenahay marna Quusan ,

Intaa kadib wuxuu igu yiri adeer intaad sheegtay allah haynoo aqbalo , Aamiin aamiin ee waan sii baxayaa caawa qayru masuul baan noqday xaafadii ayaan ka daahay .

Waxaan ku iri adeer iga ogolow inaan kusii qaado oo aan xaafadaada ku geyo , wuxuu iigu jawaabay adeer mahadsanid in badan aniguba Baabuur waan watay habeen wanaagsan Rabigey Hakula jiro .
Waxaan is weydiiyey waxa odaygaas weyni dareemayo ma dareemayaan macnose ma ugu fadhidaa soomalidaa ?
Abdirizak Jubba

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...