Xaalada Ogadeniya oo Kasii daraysa iyo Faahin Dheeraad ah

Waxaa wali guud ahaan wadanka Ogaadeeniya ee gacanta gumaysiga kujira kasocda dhibaatooyin lixaad leh oo ay sababeen ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo faragalin ciidan oo qaawan kuqaaday dhamaan wadanka Ogaadeeniya.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa magaalooyinka Dirdhebe iyo Jigjiga kudhintay dad shacab ah oo aad ubadan halka dhaawucuna uu tiro beelay, waxaana lagusoo waramayaa in ay jiraan iska hor imaadyo dhex maraya ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogaadeeniya.

Dhinaca kale waxaa magaalooyinka Dirdhebe iyo Jigjiga laga soo sheegayaa qax aad ubalaadhan kaas oo inta taariikhda laxasuusto aan wali deegaanadaas lagu arag, waxaana lasheegayaa in shacabku ay ukala yaaceen Gobolada Ogaadeeniya iyo waliba wadanka Djabuuti oo dad badani uu halkaas kajoogay.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee faragalinta qaawan kusamaysay wadanka Ogaadeeniya ayaa lasheegayaa in ay sitoos ah udifaacayaan dadka Itoobiyaanka ah ee kudhaqan Gobolada wadanka kuwaas oo iyaguna weeraro ugaystay dadka shacabka ah ee Soomaalida ah ee dhulkoodii jooga.

Shacabka Soomaalida ah ee Ogaadeeniya kudhaqan oo awalba ogaa in lagumaysto ayaa ogaaday colaada looqabo iyo sida ay xukuumada Itoobiya iyo shacabkeeduba weerar ugu yihiin dhulkooda iyo karaamadooda.

Dhinaca kale waxaa arin murugo leh laga soo sheegayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Jigjiga iyo Dirdhebe halkaas oo sida lasheegay laga waayay adeegii lagu caawin lahaa dadka dhaawaca ah, waxaana dadka dhaawaca ah lawaayay meel kale oo loola cararo maadaama oo lajoojiyay duulimaadkii dayuuradaha ee Ogaadeeniya iyo Itoobiya. Taas oo xaalada dhaawac yada uga siidartay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...