JIG JIGA. OPDO MAXAA ISKA BADALAY ,QORSHIHI MAREYKANKA LUGU SOO DHISAY MAXAA HORTAAGan

Dr Abiye Ahmed waxaa loo daaray ruwaayad ka fog xaqiqda kuna dhisan 1993 afkaar la mid ah. Kuwa ruwaayada soo dhisay waxay adeegsadeen sadex arrimood iney xoojineyso hadii sharciga dalka loo adeegsado abdi ilay ka dibna waxaa meesha ka baxaya wada hadalka ONLF iyo Ethiopia.

-Looma baahna ONLF hadii abdi ilay xilka laga xayuubiyo, dushana lagga saarro burburka iyo barakaca ka dhacay deegaanka

– Ciidanka federal waa iney burburiyaan liyuu police ka dibna talada deegaanka lugu wareejiyo difaaca qaranka ciidan ka socda isla markaana awooda dalka ay la wareegaan Ciidanka federalka Ethiopia iyo maamul ku sii meel gaadh ah inta dowlad loo wada dhan yahay deegaanka loo soo dhisayo.

– Waa inn loo gacan haadiyo dhalinyarada fahansan qorshaha OPDO ee ka dhanka ah deegaanka si looga maarmo ONLF iyo kooxda abdi ilay. Waa inn kooxdii maamulka lugu wareejin lahaa adis Ababa wada yimaadaan iyagoo huwan shaatiga somalinimada balse fulin doona barnaamijka OPDO.

Madaxweynaha oromada waa masuulka gumaaday kumanaan shacab somaliyEd ah isagoo adeegsanayaa awooda Ciidanka federalka iyo waliba awoodaha Dr Abiye Ahmed. Madaxweynaha oromada waa masuulka aaminsan OPDO iney la wareegto awooda deegaanka somalida ka dibna soo saaraan jawaasis aaminsan sidey jecel yihin OPDO, xitaa hadii loo baahdo mustaqbalka bixin karra shidaalka gobolada Qorahey, Shabeele, Jarar. .Waa iskuday fiican hadii ruwaayada OPDO loo fiiriyo balse OPDO kama fikirin mustaqbalka maxaa dhici doona hadii ruwaayada beenta ah sii Socon weydo.

Waxan ku farxay dareenka midnimada iyo wada jirka ee shacabka ay muujiyeen gudaha iyo dibada, waa dareen ku dhisan ineysan OPDO ka tallin karrin deegaanka somalida. Markuu weerarkii jig jiga uu fashilmay ee awooda deegaanka xoog la doonayay inn loga xayuubiyo maamulka meesha ka jirra ka dib waxa usoo baxday xisaab aan lagga fiirsanin. Ciidanka liyuu police waxaa iskaleh deegaanka somalida, waxna go,aan ka gaadhI karra iney sii joogaan iyo inn kale shacabka deegaanka iskaleh. Maamulka dowlada waxaa iskaleh shacabka deegaanka, iyagaa go,aan ka gaadhi karra iney sii maamulaan deegaanka iyo inn kale balse madaxweynaha oromia ma, awoodi karro inuu soo fargaliyo talada deegaanka si la mid ah madaxweynaha abdi ilay xaq uma laha inuu faragaliyo deegaanada dalka. .Jahwareerka maanta ka taagan xafiska Dr Abiye Ahmed isagaa masuul ka ah ka dib markuu dalka uu galiyay dagaal sokeeye oo si ulakac ah lugu tuntay dastuurkii dalka iyo awoodi Ciidanka federal oo xisbiga OPDO iyaggu adeegsadeen.

Isbadalka ku yimid Dr Abiye Ahmed waan soo dhaweyn laakin hadii ruwaayadi loogu soo dhisay dalka mareykan iskudayo inuu deegaanka somalida ku tijaabiyo, dhamaanteenba waxaynu wadda taageeri qorshaha Ciidanka liyuu police ay ku doonayaan iney deegaanka ka saaraan Ciidanka oromada ee shaatiga dowlada loogu soo xidhay caasimada oromada. Dadku way soo jeedaan, mana yeeli doonaan faragalin la mid ah 1993 iney mar kale deegaanka soo marto. Halloo diyaar garoobo fashilinta qorshaha OPDO ,waa inn midnimada shacabka gudaha iyo dibada la wadda xoojiyo si deegaanka loo wadda difaaco. Ma,joogno xiligii dhexdeena la isku mashquli lahaa. Midnimo iyo wada jir goorwalba

By Mujahid sheikh Ibrahim

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...