Daawo:Shir Muqdisho uga Furmay Xubna sare oo ONLF ah iyo Jaaliyada Ogaadeeniya ee halkaas degen.

Waxaa hada magaalada muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya kasocda shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin. Aqoonyahan iyo wax garad ayaa hada sitoos ah uga socda hotel kuyaala magaalada muqdisho.

Kulankan oo ah mid uu heerkiisu sareeyo waxaa soo abaabulay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO, waxaana shirka kaqayb galay xubno sarsare oo katirsan Jabhada ONLF.

Kulanka maanta ayaa wajiyadooda lagu arkayay xildhibaano, wasiiro hore, iyo madax katirsan maamul goboleedada Soomaaliya iyo waliba aqoonyahan faro badan.

Waxaa ugu horaynba kulanka ka kahadlay halgame Muxumed Asad oo kamid ah saraakiisha JWXO, wuxuuna halgame Muxumed kasoo qayb galayaasha uga warbixiyay xaalada guud ee wadanka Ogaadeeniya iyo isbadalada kajira guud ahaan geeska Africa gaar anaan wadanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa kulanka kahadlay xubno kale oo katirsan Jabhada ONLF kuwaas oo madaxdii soomaaliyeed ee shirka fadhiyay siiyay xogo badan oo kadahsoonaa isla markaana usheegay in wadanka Ogaadeeniya uu xiligan ubaahan yahay in lagarab istaago.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay madaxdii soomaaliyeed ee kulanka soo xaadirtay, waxayna gabi ahaanba taageero umuujiyeen Jabhada ONLF iyo wadiiqaha ay ujeexday halganka Ogadenia kasocda.

Sidoo kale madaxda soomaaliyeed ee kulanka sooxaadirtay ayaa shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uga tacsiyeeyay dhibaatadii ay soomareen gaar ahaan dhibkii ay ugaysteen maamulada Soomaalida iyo waliba shakhsiyaadka Soomaalida ah.

ONA Muqdisho,

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday war ka farxiyey Ciidamada Liyuu Booliska
- Aug 15, 2018
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasna ah ...
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
- Aug 15, 2018
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
- Aug 15, 2018
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogaadeeniya
- Aug 15, 2018
Waxaa Isbad Badalaya Xaalada Siyaasadeed Ee Ogadenia Hadaba Halkan kadaawo Warkii ugudambeeay oo amuurtaasi ...
Daawo Magaalada Diridabo Oo ay kasocdaan Hawlo Nabadayn
- Aug 15, 2018
Kadib Dagaalo Kul Kulul Oo Dad Soomaali ah lagu laayay Ayaa Waxaa Kulmay Odayaasha ...
Press Release: OYSU Delegation Arrives in Jigjiga.
- Aug 15, 2018
Press Release 14/08/2018 OYSU Delegation Arrives in Jigjiga On August 14th 2018, Ogaden Youth and Student Union ...
JIG JIGA. JAWAABTA IGA SOO BAXDAY WAFUUDA OYSU EE DALKI HOOYO JOOGTA IYO KALA WAR LA,AANTA SHACABKA DIBADA.
- Aug 15, 2018
Hello, xoghaya guud ayaan ku salaamay mudane shaafi sheikh abdi shaafi shilaabo ka dib ...
Saraakiisha Ethiopia oo Su’aalo Layeeshay marwadii Abdi ilay iyo Wasiiradiisii
- Aug 15, 2018
Isbadalada Kadhacay Deeganka Ma aha Mid laqiyaasi karo Waxaana Saraakiisha Ethiopia oo Su'aalo Layeeshay ...
Trump oo Laga Duubay Cajal Kale oo Qarsoodi Ah.
- Aug 15, 2018
Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah ...
AASAASKII JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)
- Aug 15, 2018
Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Kaddib markii uu hoos u dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo ...