Deg Deg Ururka Xuquuqul Insaaka Itoobiya oo Xaalada Gobolka Axmaarada Kahadlay.

Ururka xuquuqul insaaka ee Itoobiya ayaa warbixin dheer oo ay soosaareen kusheegay in Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ay sanadihii lasoo dhaafay kadhaceen xadgudubyo aad u waawayn iyo waliba xasuuq shacab oo si ula kac ah loogaystay.

Sida warbixinta ururka lagu sheegay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 3dii sano ee lasoodhaafay dhibaatooyin ugaystay shacabka kudhaqan Gobolka Axmaarada, halkaas oo kacdoono maamulka Gumaysiga lagu diidanaa ay kajireen.

Ururka xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal shacab ah ay ciidanka Itoobiya kudileen Gobolka Axmaarada iyagoo amar buuxa kahaystay maamulkii wayaanaha ee talada laga faro maroojiyay, wuxuuna ururku intaas kudaray in dad kale oo shacab ah laga buuxiyay xabsiyada kuyaalada Gobolka Axmaarada kuwaas oo aan helin wax cadaalad ah.

Ururka xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa kutalo bixiyay in lasameeyo baadhitaan dhab ah oo ku aadan dhibaatadii kadhacday Gobolka Axmaarada, wuxuuna ururku kubaaqay in cadaalada lahorkeeno dadkii kadambeeyay dhibaatada shacabka Axmaarada lagu sameeyay.

Wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa ah wadan aan tixgalinin xuquuqul insaanka waxaana wadanka daafihiisa kadhaca tacadiyo aad ubadan oo ay gaysanayaan ciidanka mulatariga Itoobiya iyo maleeshiyaadka loosameeyay in ay shacabka xasuuqaan.

Hay’adaha xuquuqul insaanka udooda gaar ahaan Human Right Warch ayaa in badan kahadashay xaaladaha xuquuqul insaanka ee wadanka Ogadenia, mana jiro cid dhag jalaq usiisay, waxaana lawada ogyahay in dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia loogaystay xasuuqyo aad uba’an.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday war ka farxiyey Ciidamada Liyuu Booliska
- Aug 15, 2018
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasna ah ...
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
- Aug 15, 2018
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
- Aug 15, 2018
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogaadeeniya
- Aug 15, 2018
Waxaa Isbad Badalaya Xaalada Siyaasadeed Ee Ogadenia Hadaba Halkan kadaawo Warkii ugudambeeay oo amuurtaasi ...
Daawo Magaalada Diridabo Oo ay kasocdaan Hawlo Nabadayn
- Aug 15, 2018
Kadib Dagaalo Kul Kulul Oo Dad Soomaali ah lagu laayay Ayaa Waxaa Kulmay Odayaasha ...
Press Release: OYSU Delegation Arrives in Jigjiga.
- Aug 15, 2018
Press Release 14/08/2018 OYSU Delegation Arrives in Jigjiga On August 14th 2018, Ogaden Youth and Student Union ...
JIG JIGA. JAWAABTA IGA SOO BAXDAY WAFUUDA OYSU EE DALKI HOOYO JOOGTA IYO KALA WAR LA,AANTA SHACABKA DIBADA.
- Aug 15, 2018
Hello, xoghaya guud ayaan ku salaamay mudane shaafi sheikh abdi shaafi shilaabo ka dib ...
Saraakiisha Ethiopia oo Su’aalo Layeeshay marwadii Abdi ilay iyo Wasiiradiisii
- Aug 15, 2018
Isbadalada Kadhacay Deeganka Ma aha Mid laqiyaasi karo Waxaana Saraakiisha Ethiopia oo Su'aalo Layeeshay ...
Trump oo Laga Duubay Cajal Kale oo Qarsoodi Ah.
- Aug 15, 2018
Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah ...
AASAASKII JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)
- Aug 15, 2018
Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Kaddib markii uu hoos u dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo ...