Qoomiyada Canfarta oo Kacdoon Xoogan Wada

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Samara ee xarunta Gobolka Canfarta ayaa sheegaya in guud ahaan Gobolku uu kujiro xaalad daganaansho la’aan iyo kacdoon shacab ah, kadib faragalin qaawan oo ay wali kuhayso kooxdii TPLF ee talada xooga lagaga qaatay.

Sida xogta aan kuhelayno dhalinta Gobolka Canfarta oo aad u abaabulan ayaa lasheegayaa in ay isusoo baxyo waawayn kuqabteen meelo badan oo Gobolka Canfarta ah gaar ahaa magaalada caasimada ah ee Samara, waxaana lasheegayaa in ay dhalintu kasoo horjeedaan faragalinta qoomiyada Tigreega.

Saraakiisha TPLF ee wali saxada siyaasada kujira ayaa lasheegayaa in ay halgan ugu jiraan sidii ay xulufo ugu heli lahaayeen qoomiyada Oromada iyo xisbigeeda talada lawareegay ee OPDO, kuwaas oo wiiqay awoodii Tigreega.

Dhalinta iyo siyaasiyiinta Canfarta ayaa dhankooda xasuusan dhibaatooyinkii lixaadka lahaa ee kooxda TPLF ay shacabka dulman ee Canfarta ugaysatay mudadii 27da sano ahayd ee talada wadanka ay xooga kuhaysteen, waxayna Canfartu bilowday halgan dhinaca siyaasada ah oo Tigreega ay dhulkooda kaga sifaynayaan.

Dhinaca kale qoomiyada Canfarta oo kamid ah dadka lagu gumaysto wadanka Itoobiya ayaa aad uga taxadaraysa taageerada kooxda OPDO iyo qoomiyada Oromada oo umuuqda in ay badaleen oo kaliya qoomiyada dadka iyo dalka lahadhay ee Tigreega.

Dhinaca kale qoomiyada Oromada ayaa qoomiyadaha kale ee Itoobiya kuqasbaysay in ay xukunkooda si dhab ah u hoos yimaadaan waxayna Oromadu weerar xoogan kuqaaday maamulkii maqaarsaarka ahaa ee Soomaalida ee Jigjiga fadhiyay, kaas oo awalba kabo qaad u ahaa kooxdii TPLF.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday war ka farxiyey Ciidamada Liyuu Booliska
- Aug 15, 2018
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasna ah ...
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
- Aug 15, 2018
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
- Aug 15, 2018
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogaadeeniya
- Aug 15, 2018
Waxaa Isbad Badalaya Xaalada Siyaasadeed Ee Ogadenia Hadaba Halkan kadaawo Warkii ugudambeeay oo amuurtaasi ...
Daawo Magaalada Diridabo Oo ay kasocdaan Hawlo Nabadayn
- Aug 15, 2018
Kadib Dagaalo Kul Kulul Oo Dad Soomaali ah lagu laayay Ayaa Waxaa Kulmay Odayaasha ...
Press Release: OYSU Delegation Arrives in Jigjiga.
- Aug 15, 2018
Press Release 14/08/2018 OYSU Delegation Arrives in Jigjiga On August 14th 2018, Ogaden Youth and Student Union ...
JIG JIGA. JAWAABTA IGA SOO BAXDAY WAFUUDA OYSU EE DALKI HOOYO JOOGTA IYO KALA WAR LA,AANTA SHACABKA DIBADA.
- Aug 15, 2018
Hello, xoghaya guud ayaan ku salaamay mudane shaafi sheikh abdi shaafi shilaabo ka dib ...
Saraakiisha Ethiopia oo Su’aalo Layeeshay marwadii Abdi ilay iyo Wasiiradiisii
- Aug 15, 2018
Isbadalada Kadhacay Deeganka Ma aha Mid laqiyaasi karo Waxaana Saraakiisha Ethiopia oo Su'aalo Layeeshay ...
Trump oo Laga Duubay Cajal Kale oo Qarsoodi Ah.
- Aug 15, 2018
Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah ...
AASAASKII JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)
- Aug 15, 2018
Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Kaddib markii uu hoos u dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo ...