AASAASKII JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGADENIYA (ONLF)

Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF)
Kaddib markii uu hoos u dhacay muuqaalkii siyaasadeed iyo dhaqankii halganeed ee Jabhaddii Xoreynta Soomaali galbeed (WSLF), ayaa waxaa milkiilaha qaddiyadda oo ah shacabkayaga dulman usoo baxay muuqaal hor leh oo ah in la badbaadiyo halganka oo foodda la galay waji cusub oo khatartiisa leh, kaasoo ahaa in ay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd tii jahawareerka galisay halganka billowday in ay heshiisyo ka dhan ah qaddiyadda la gasho Mangistu Haile Mariam, waxaana dareen laga simanyahay noqotay u howl galidda isbaddal lagu beegsado waxa la doonayo. Iyadoo taas laga duulayo ayaa la aasaasay Jabhadda waddaniga xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) 15th August sannadkii 1984kii oo markiiba u howl gashay in ay buuxiso kaalinta hoggaamineed ee shacabka.

Jabhadda oo muddo ku dhow lix sano dalka dibaddiisa ka wadday halgan siyaasadeed oo ay adduunweynaha kaga dhaadhicineyso qaddiyadda Ogaadeeniya iyo heerarkii ay soo martay waxay gudaha Ogaadeeniya gashay sannadkii 1990kii kaddib markii ay soo bexeen ifafaalayow muujinaya in ay burbureyso dowladda mangistu, waxayna shirkii ku meel gaadhka ahaa ee ugu horreeyey ee ay ku yeelatay gudaha dalka ku go’aansatay in ay ka qayb gasho shirkii loogu magac daray shirweynaha nabadda iyo dimoqraadiyadda ee lagu qabtay magaalada addis ababa bishii July ee sannadkii 1991kii laguna dhisay dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee baddashay maamulkii mangistu. Intaas kaddib waxaa bishii January ee sannadkii 1992kii magaalada Garbo ee gobolka Nogob lagu qabtay shirwenihii koobaad ee jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya, waxaana lagu dhisay gole dhexe oo ka kooban 45 xubnood oo uu xoghaye guud u yahay Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed, waxayna ka qaybgalayaasha shirkaas dhiirri galiyeen in laga qayb qaato dimoqraadiyadda ay itoobiya ku baaqday inta ay daacad ka tahay.

Shirweynaha addis ababa waxaa lagu sixiixay axdi qarameed ay ku qanceen qodobadii ku qorraa ka qaybgalayaasha shirka yididiilo weynna galiyey ummadihii kusoo jirey halganka hubeysan ee muddada dheer soo jiitamayey. EPRDF oo ahayd ururkii ugu awood roonaa ururradii dowladda ku meelgaadhka ah ku dhisay addis ababa lana doonayey in ay la timaaddo aragti siyaasadeed iyo mid maamul oo ay ka muuqato dabacsanaan iyo niyad wanaag ay ku qanci karaan dadyowgii ku hoos jiray maamulkii itoobiya ayaa u leexatay danaheeda gaarka ah, waxayna muddo yar kaddib lasoo baxday waji iyo dhaqan ka baddalan wixii laysla ogaa ee meesha la wada dhigtay, ugu horreyntiina waxa ay wax kama jiraan ka dhigtay Axdigii addis ababa:

1- Waxay hor istaagtay hay’adihii samafalka caalamiga ahaa ee doonayey in ay wax u qabtaan dadyowgii ay baabi’iyeen maamulladii hore ee dalka soo xukumi jiray.

2- Waxay boob ku billaabeen hantidii ay laheyd dowladda ee taallay xafiisyadii maamulka, iyagoo u raray xagga deegaankooda sida Cagafcagafyadii, Matoorradii biyaha, gaadiidkii wasaaradaha iyo wakaaladaha iyo qalabkii xafiisyada ee maamulka dowladda.

3- Waxay gobollada dadkoodu dagganyihiin u leexiyeen mashaariicdii horumarineed iyo dib u dhis ee loogu tala galay dadyowgii uu sida gaarka ah dhibku ugasoo gaadhay maamulladii isdaba joogga ahaa ee uu mingistu ugu danbeeyey, mashaariicdaasoo ay ku deeqeen waddamo badan oo daneynayey isbaddalka ka dhacay itoobiya.

4- Waxay billaabeen in ay dadka suuqa ku toogtaan maxkamad la’aan iyagoo sabab ka dhiganaya waxyaabo aan sharciga waafaqsaneyn.

Arrimahaas aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo ay EPRDF ku tallaabsatay waxa ay nuxurka ka qaadeen axdigii lagu dhisay dowladdii kala guurka ahayd ee mellas zenawi madaxda ka ahaa, waxaana si degdeg ah isu baddalay dareenkii shucuubta ee ku aaddanaa axdi qarameedkaas.

Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) oo muujineysa dulqaad siyaasadeed waxay indhaha ka laabatay dhammaan xadgudubyadaas aan soo sheegnay si ay u hanato dareenka shacabkeeda oo qaar badan oo ka mid ah dhagaha looga buuxiyey waxyaabo runta ka fog, arrintaasuna waxay kalliftay in ay jabhaddu xaqiijiso laba qodob oo muhiim ah iyadoo waliba hor istaagyo badan kala kulmeysay dhinaca hogganka sare ee TPLF, waxayna labadaas qodob kala ahaayeen: waa kan horee waxay ku guuleysteen hirgalintii iyo meel marintii ololihii doorashada. Iyo qodobka labaad oo ahaa dhismihii baarlamaannada heer qoomiyadeed iyo heer deegaan. EPRDF oo u arkeysay ku guuleysashada ONLF ee labadaas qodob ee aan soo sheegnay in ay tahay arrin ka hor imaaneysa maslaxadeeda gaarka ah waxay intii awooddeeda ah ku dadaashay in ay minjo xaabiso maamulkii baarlamaanka qoomiyadda soomaalida ee ay jabhaddu hoggaamineysay, arrintaasuna waxay saldhig u noqotay is faham la’aan dhex marta maamulkii qowmiyadda iyo golahii wakiillada dowladda dhexe ee ay awooddiisa hayeen Melles iyo kooxdiisa.

DHAMMAADKII MUDDADII DOWLADDII KU MEELGAADHKA AHAYD EE ITOOBIYA

Markii ay soo dhowaatay taariikhdii ay ku ekeyd sharciyaddii maamul ee dowladdii kala guurka ahayd, ururradii sida sharciga ah u diwaan gashanaana ay u caddaatay in ayna shucuubtoodu helin xuquuqdii uu u ballanqaaday axdi qarameedkii addis ababa ayaa ururradu waxay gudagaleen in ay u gudbiyaan golihii wakiillada ee dowladdii ku meelgaadhka ahayd barnaamijkooda siyaasiga ah ee ku aaddanaa aaya ka talinta shucuubtooda.

Jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) iyadoo taas ka duuleysa ayey dowladdii dhexe ee itoobiya u gudbisay aragtideeda ku aaddan aayaha shacabkeeda, waxayna codsatay in laga qaado afti si ay u muujiyaan rabitaankooda maadaama ay tahay fursad maanta la gudboon. Dhanka kale baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ayaa shirkiisii magaalada Jigjiga ee horraantii sannadkii 1994kii ku ansixiyey in afti laga qaado shacabka soomaaliyeed ee itoobiya gumeysato. Waxay jabhaddu u arkeysay codsigeeda in uu saxanyahay kol haddii ay EPRDF iska dardartay xuquuqdii uu ballan qaaday axdigii lagu dhisay dowladdii dhexe ee qoomiyadaha. Dhammaadkii shirkii baarlamaanka qowmiyadda soomaalida ee jigjiga lagu qabtay isagoo aan lagu kala ambabixin EPRDF waxay 22nd February sannadkii 1994kii weerar ku qaadday guddoomiyihii jabhadda ONLF Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo socdaal ku joogay magaalada wardheer iyagoo doonayey in ay qabtaan hase yeeshee waxaa dagaal difaac oo gacmaha laysla galay kala hor tagay shacabka reer wardheer oo ay taageerayaan cutub yar oo ka tirsan ciidanka xoreynta ogaadeeniya.

Dagaalkaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan 50 qof oo reer wardheer ah wuxuu ahaa mid ayna u kala hadhin yar iyo weyn dadka magaaladu, taasina waxay argagax iyo filanwaa ku noqotay ciidankii gumeysiga ee halkaas joogay oo dagaalkaas ku waayey in ka badan boqol askari, waxaana halkaas ku fashilmay isku daygii ciidanka EPRDF ee ahaa qabashada halgame Sh.Ibraahim iyadoo ay badbaadday sharaftii dadkayaga. Weerarkan oo dhacay kaddib markii uu soo baxay go’aankii baarlamaanka waxa uu la midyahay weerarkii birqod ee dhacay 21st January sannadkii 1992kii maalmo uun kaddib shirkii garbo ee lagu dhisay hoggaanka jabhadda. Guuldarradii wardheer intii kadanbeysay EPRDF waxay billowday in ay kulamo kala duwan kula yeelato magaalooyinka addis ababa, harar, qabridahar iyo godey qaar ka mid ah qaybaha bulshada, kulamadaas oo ay uga gol lahayd in ay ku ogaato aragtida dadweynaha ee ku aaddan go’aannada jabhadda iyo baarlamaanka. Meles Zinawi oo ay usoo baxday inaan loo xiiso qabin aragtidiisa ayaa weerar ku qaaday xarumaha jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ee ku yaalay gudaha dalka.

GO’AANKII DAGAAL GALIDDA ONLF EE 20TH APRIL, 1994

Weerarkii EPRDF Kaddib shir uu isugu yimid hoggaanka sare ee ONLF 20th April sannadkii 1994kii wuxuu ku dhawaaqay in ay jabhaddu halgan hubeysan la galeyso ciidanka itoobiya ee ay horseedka u yihiin qowmiyadda tirada yar ee tigreega ee aan caddaaladda, dimoqraadiyadda iyo nabad ku wada noolaanshaha midna garaneynin. Muddadaas lagasoo bilaabo waxaa dhacay iska hor imaadyo badan oo aan lasoo koobi karin, waxayna EPRDF qorsheysay dagaallo culus oo ay ku dooneysay in ay jabhadda dalka kaga saarto, si ay taasi ugu suuro gashana waxay billowday in ay isticmaasho tabihii jabhadda kuwo la mid ah oo ah nidaamka dhuumaaleysiga; way lugeysay, way guureysay oo baqooshay iyadoo ku talo gashay in ay ONLF kaga daaliso. Markii ay ku guul darreysatay qorshahaas waxay billowday tabo cusub oo ay ka mid yihiin in ay dadka reer guuraaga ah gabagabeyso si ayna jabhadda u kaalmeynin, waxaa kaloo ka mid ahaa tabaha cusub in ay ceelasha degto si ayna jabhaddu uga cabin, waxaasoo dhanna way ku guuldarreysatay waxaana daliil u ah muddo afar sano ah kaddib waxa gudaha Ogaadeeniya lagu qabtay shirweynihii labaad ee jabhadda waddaniga xoreynta ogaadeeniya kaasoo lagu beeniyey islaweynidii ciidankii Itoobiya oo awood kasta u diyaarsaday in uu hor istaago kulanka ay isugu imaanayaan xubnaha jabhadda oo ka kala imaanayey adduunka daafihiisa.

Qoraalkan Waxaa qoray

Daahir Maxamed Cali (Baasto)

Koonfur AFrica | March 30, 2003

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...