JIG JIGA. JAWAABTA IGA SOO BAXDAY WAFUUDA OYSU EE DALKI HOOYO JOOGTA IYO KALA WAR LA,AANTA SHACABKA DIBADA.

Hello, xoghaya guud ayaan ku salaamay mudane shaafi sheikh abdi shaafi shilaabo ka dib waxan weydiiyay xaaladisa caafimaad iyo nabad galyo. Jawaabta ka soo baxday waxay aheyd hadafkii loo sameeyay OYSU lama gaadhin ilaa dhamaan deegaanada iyo gobolada dalka aan soo wadda marro anigoo huwan astaanta iyo sumada OYSU. Waxan ku fikirayay calaacal iyo warar murugo leh ayaad kala kulmi doontaa xoghaya guud shaafi shilaabo balse waxaa isoo baxday hogaamiye ka fog dooda miiska saaran ee weerarkii shalay lugu beegsaday shacabka tirada badan ee wafuuda OYSU soo galbineysay. Ururka dhalinyarada iyo ardeyda somalida ogadenia wuxuu jirsaday 8 sano, waxana la xusay sanad guuradii 8aad ee ururka bishii June, waxana laga xusay dhamaan dalalka daafaha dunidda. Taageerayaasha xubnaha waxay ku xoog badan yihin gudaha dalka, wuxuna xarumo iyo xidhidh ku lahaa dhamaan gobolada dalka waana sababta hogaankii ugu sareeyay OYSU loogu casuumay inuu soo arrko dhalinyarada iyo ardeyda ku nool gudaha dalka.

OYSU waxay leedahay hadaf iyo himillo lugu soo diyaariyay Shirweynihii ururka, waxana soo ansixiyay dhamaan xubnaha ururka iyo taageerayaasha ururka ee markaasi awooday inney tallo iyo afkaar ku yeeshaan geediga loogu jirro mustaqbalka inn la soo saarro dhalinyaro bisil oo hogaamin karta shacabka dulman ee kumanaanka sano ku soo jiray duruufaha addag ee gumeysiga lagga dhaxlay. OYSU waxay dooneysaa inn la soo saarro isla markaana la xoojiyo awooda dhalinyarada iyo ardeyda dowlad deegaanka, OYSU waxay aaminsan tahay mustaqbalka dalka waxaa iskaleh dhalinyarada iyo ardeyda maanta joogta ee ubaahan midnimo iyo wada jir ku dhisan hadaf iyo himilo. OYSU waxay ka duuleysaa sooyaalka iyo taarikhda uu deegaanka soo maray laga soo bilaabo xiligii lugu wareejiyay gumeystaha dhulka somalida ogadenia. Tiirarka OYSU waxaa ka mid ilaalinta taarikhda iyo kobcinta garaadka dhalinyarada iyo ardeyda dowlad deegaanka si mustaqbalka loo hello hogaamin ka dhisan cilmiga iyo taarikhda. OYSU waa urur bulsho unna taagan mideynta iyo ilaalinta wada jir ka shacabka dowlad deegaanka. OYSU waa urur bulsho unna tagan caawinta iyo garab istaaga sida hooyooyinka, waayeelka, dumarka, culumada, Sports, Suugaanta iyo dhaqanka suuban ee islaamka inn mudnaanta hore la siiyo.

Xubnaha ururka iyo taageerayaasha OYSU gudaha iyo dibada waxan idinka codsan midnimo iyo wada jir, waxana lagga maar maan ah dhacdooyinka maalinle ee inna soo marri doona inaan waqti badan lugu bixinin balse lagga rumeeyo hadafka iyo himilada dhalinyarada iyo ardeyda dowlad deegaanka. OYSU waxaa sugeysa iney mustaqbalka soo saaraan ubixii iyo hogaamintii dalka iyo dadka hogaamin lahaa sidaasi daraaded yaa loo bixin weerarka iyo daacayada maxaa yeelay meeshaynu u socono ayaa ka mihimsan ineynu shacabka dulman soo gaadhsiino. OYSU waxaa sugeysa sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada deegaanka gudaha iyo dibada ka dibna qorshe guda balaadhan loogu sameyn lahaa jiilalka soo socda ee ubaahan toosin, wanaajin, cadaalad iyo sinaan.

By Mujahid sheikh Ibrahim

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...