Trump oo Laga Duubay Cajal Kale oo Qarsoodi Ah.

Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Trump.

Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay taleefishinka NBC ayaa laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay “Qofna iima sheegin arrintan”, isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor.

Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad. Trump oo isniintii fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa dhaleeceeyay haweenaydan, wuxuuna sheegay in ay eedeysay kaliya markii iyada shaqada laga eryay, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay in ay tahay qof aanan karti lahayn.

Garyaqaanka Trump ninka lagu magacaabo Rudy Giuliani ayaa sheegay in laga yaabo in haweenaydan ay sharciga jabisay maadaamaa ay duubtay wada sheekeysi sir ah. Omarosa Manigault iyo Trump ayaa is bartay xilligii uu daadihiyaha ka ahaa barnaamijka The Apprentice, waxayna sidoo kale la taliye uga noqotay arrimaha Afrikaanka Amerika xilligii ololaha doorashada 2016-kii.

Ma ahan markii ugu horeysay oo cajal sir ah laga duubo Trump, lagana baahiyo warbaahinta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...