Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.

Xaflada ayaa furantay abaare 10:00am subaxnimo xiliga bariga Africa, waxaana xaflada sooqabanqaabiyay faraca Midnimo ee kahowl gala xerada Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab.

Xaflada ayaa sidii caadiga ahayd lagu furay aayadihii qur’aanka kariimka ahaa iyo wacdi diini ah oo dadkii xaflada sooxaadiray qiiro galiyay waxaana muxaadarada maanta diirada lagu saaray samirka iyo sidaan loogu khasaarin.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Hogaanka Dhaqaalaha ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Drs Cibaado Xirsi Mahad, oo khadka isgaadhsiinta kaga sooqayb gashay waxayna marwo Cibaado dadwaynaha uga xogwarantay marxalada aan kujiro iyo sida ay lagama maarmaan utahay in aan lajaanqaadno isbadalada kasocda geeska Africa.

Halganto Marwo Cibaado ayaa dadwaynaha kajaahil tirtay JWXO iyo waxa uga qorshaysan isbadalada waxayna sheegtay in JWXO aysan kaleexanin mabaadiidii iyo hadafkii shacabka ee ahaa aayo katashiga.

Sidoo kale waxaa xaflada laga akhriyay taariikhda Ogaadeeniya oo kooban waxayna dadwaynuhu siwayn uga dhargeen taariikhda dalkooda iyo sooyaalkiisii.

Intaas kadib waxaa lagu soodhaweeyay kooxda Hilaac oo kamid ah kooxfaneedyada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO, kuwaas oo dadwaynihii dhiigooda kiciyay waxayna kooxda Hilaac soobandhigtay suugaan lajaanqaadaysa xiliga lagu jiro.

Intaas kadib waxaa madasha kahadlay odayaal aad ubadan oo Soomaaliyeed iyo waliba qaar kamid ah aqoonyahan ka soomaaliyeed.

Xaflada maanta oo aad loosoo qorsheeyay waxaa kasoo qayb galay saxaafada afka soomaaliga kuhadasha kuwaas oo isugu jiray TV-yo iyo waliba ideecado.

Guntii iyo gunaanadkii xafladan oo loogu magacdaray Sanadguuradii Xoriyada ayaa kusoodhamaatay si nabadgaliyo ah Isla markaana quruxbadan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...