Dooda kadhalatay muqaalka Askarigii ESTV lagaga Hadliyay!?

Tobankii sano ee lasoo dhaafay Barnaamijyadii iyo Muuqaaladii Tv-gaa (Es-Tv) ka baxay ma’ahayn ujeedkoodu in lagula dagaalamo aragti siyaasadeed iyo urur mucaarad ah ama xittaa in lagu difaaco aragti kale oo siyaasadeed.

Waxay barnaamijyadaasi ahaayeen duullaan-wayn oo lagu qaaday qiyamka iyo karaamada dadka Soomaali-Muslimka ah ee ku hoos dulman xukunka qallooca ku dhisan ee Itoobiya.

Waxay ahaayeen weeraro maskaxeed oo maalinle ah. Wuxuu qorshuhu ahaa in xilliga ugu gaaban iyo qiimaha ugu yar lagu gaadho hadafka-wayn ee isticmaarka oo ahaa bur-burinta diinta, dhaqanka iyo Akhlaaqada dadkan Soomaali-Muslimka ah.

Bal Sawiro toban sano oo maalin iyo habeen caruurtaadu fiirsanayso farriin dowladoodii ka timid laakiin fisqi, fasahaad, nacayb, ceebayn iyo bahdilaad ka buuxo.

Maalintii uu mashruucu billowday ilmihii 5 jir ahaa maanta waa 15 jir, Kii 10 jir ahaa maanta waa 20 jir, kii 15 jir ahaa maanta waa 25 jir, Kii 20 jir ahaana maanta waa 30 jir ahna Wasiir, xildhibaan ama Macallin. Iswaydii dhaawaca bulsho ahaan innasoo gaadhay baaxaddiisa? Kadibna ka feker nooca xalka een u baahantahay iyo qiimaha uu innagu joogo.

Xalka uma arko inay maanta laba wiil oo yar-yar iyo labaatan waawayn midna noosoo fadhiistaan isla Tv-gii oo innooga sheekeeyaan edeb-darro, anshax-darro iyo arxan-darro wixii ay dadka ku faleen.

Xalku wuxuu igula habboon-yahay in wixii dhacay loosaaro guddi ay hoggaaminayaan dad khubaro ah oo soo baadha; wixii dhacay, siday u dheceen, ciddii ka masuulka ahayd iyo sida ugu wanaagsan ee loo xallin-karo.

Madaxwaynaha cusub – Mustafa Omer – ma qabo inuu damiir ahaan aqbali-doono mashruucan laakiin waxaan uga baqayaa inuu cadaadiska uga imanaya xoogagga isbeddel-diidka ah awgii khaladkan ugu simbiririxdo.

FG: Xusuusnow inaan weli gacantii isticmaarka kujiro iyo in waddanka siyaaasaddisii lagu dhaqayo weli.

By: Ismaciil Cali

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...