Maxay kawada Hadleen Xayle-Maryan iyo madaxda ONLF?.

Waxaa magaalada Addis ababa ee xarunta Gumaysiga Itobiya kulan Heer sare ah oo saaca badan Qaatay kuyeeshay xubno kala matalayay Jabhada ONLF iyo Ururka Haya Talada dalka Itobiya ee EPRDF.

Shirka waxaa dhinaca EPRDF si rasmi ah ugu matalayay Ra’iisal wasarihii Hore ee Mamulkii Kooxda TPLF Gadh-wadeenka ka ahayd, basle Horaantii sanadkan cadaadis dhinacya badan kagayimid isku casilay taasi oo kadhigtay Xayle masuulkii ugu Horeeyay ee Taariikhda Itobiya xil iska casila, dhanka ONLF ayaa waxaa shirka u matalayay Afhayeenka JWXO iyo xubno kale.

Kulanka Labada dhinac waxaa diirada lagu saaray xaalada Guud ee Wadanka Ogadenia iyo sidii xal waara loogu Heli lahaa khilaafka siyaasiga ah ee mudada dheer soo Jiitamayay, waxayna Labada dhinac isla Qaateen in si dhab ah xaalada Gobolka loo Wajaho iyada oo lagu salaynayo dareenka dadwaynaha.

Labada dhinac waxay isla Qaateen dagaanashaha Itobiya inuu kuxidhan yahay xal u Helida xaalada Ogadenia oo dhamaan mamulidii Horay usoo maray Itobiya ay kaliya Awood ciidan inay ku muquuniyaan iskudayi Jireen, taasi oo laga dhaxlay cadaawad iyo sii kala Fogaansho marba marka kadambaysa sii xoogaysanayay.

Labada dhinac waxay isla Fahmeen muhiimada ay leedahay in la dar-dar Galiyo Wada-hadaladii mudada soo Jiitamayay ee mararka kala duwan Fashilmay, waxaana masuulka dhinaca Kooxda EPRDF shirka kumatalayay Xayle Maryan oo ah Ra’iisal wasarihii xilka iska casilay uu sheegay inay kago’an tahay inay ka Urur ahaan in xal rasmi ah loo helo xaalada cakiran ee Gobolka Ogaden.

Shirka oo Qayb ka ahaa kulamo ay Yeelanayeen masuuliyiinta Kooxda EPRDF ee Talada Itobiya mudada dheer xooga kusoo Haysatay masuuliyiinta ONLF ee in dhowaale kusugnaa magalada Addis ababa, ayaa kusoo dhamaaday Jawi is Afgarasho sida uu Ogaden24 u sheegay xubin kamida masuuliyiinta shirka Qaybta ka ahaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...