Shalay waxaan Ahayn Tigree Maantana Tigree Barina Tigree” Hanjabaada Tigreega.

Kooxdii laga Adkaaday ee TPLF ayaa bilawday Olole balaadhan oo isugu Jira Abaabulka shacabkooda iyo Hanjabaado ay Hawada u marinayaan Hogaanka kooxda OPDO-da oo ay u Arkaan inay lama Huraan tahay inay mar Fooda is daraan.

Warbaahinta kala duwan ee mamulka Tigreega ayaa waxaa si is daba Jooga uga socda Barnaamijyo ay dib ugu baahinayaan Halgankii ay lasoo Galeen mamulkii Dhergagi, waxaana Barnamijyadani Garab socdo doodo iyo Falanqayno ay isku bar-bar dhigayaan duruufihii adkaa ee ay kusoo Jabhadeeyeen iyo maanta oo ay Aaminsan yihiin inay leeyihiin cudud buuxda oo kadhisan dhinaca milteriga dhaqaalaha siyaasada iyo Arimaha bulshada.

Ololahan ay bilawday kooxda TPLF ayay ugu magacdareen waxaan nahay Tigreegii shalay iyo kan maanta Barina waxaan ahaan doonaa Tigree, weedhahani ayaa u muuqda mid ay Horjoogayaasha mamulka kooxda OPDO-da ku cabsi Galinayaan iyaga oo dib u xasuusinaya inaysan marna Aqbalayn Jujuub iyo iskudayada Faragalineed ee kadhan ah Kooxda TPLF.

Dhamaan magaloyinka kala duwan ee Gobolka Tigreega ayaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah iyo isku dhex-yaac dhinaca bulshada ah, waxayna dadku si caadi ah u wataan noocyada kala duwan ee Hubka Yar yar gaar ahaan xiliyada ay dhigayaan mudaharaadyada ay kaga soo Horjeedaan mamulka Addis ababa.

Cabsida Haysa mamulka Tigreega ayaa waxaa sii Laba Jibaaray muranka dhinaca dhulka ah ee mamulka Axmaradu uu ku furay, taasi oo kooxda TPLF u sahashay inay si Fudud dhagaha shacabka ugu shubaan siyaasadooda is difaaca ay ugu magacdareen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare oon Heshiis Lama Filaan ah lagalay Dowalada Fadaraalka
- Sep 19, 2018
Waxaa hadal lama filaan ahi kasoo baxay Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare kaasi oo ...
Daawo Wararkii ugu dambeeyay ee jigjiga Iyo Dulmi Diid oo kushiray.
- Sep 19, 2018
Wararka magaala jigjiga naga soo gaaraya waxaa kamida Dhaqdhaqaaqa Dulmi Diid oo shir jaraa'id ...
Daawo: Wadahadalkii ONLF & Ethiopia oo Bilowday Iyo Heshiis Hordhac ah.
- Sep 19, 2018
Waxaa Magaalada Asmara Kasocda wadahadallo udhaxeeya O N L F iyo Ethiopia Waxayna shaaciyeen ...
HASSAN SH MOHAMOUD MAXUU XAMAR KU ARKAY MAALMAHAN UU JOOGAY
- Sep 19, 2018
Madaxwaynihii Horee Soomaaliya Xasan Sheekh Mohamud ayaa dhawaan kusoo laabatay Muqdisho Hadaba halkan ka ...
Daawo:Dareenka dadwaynaha Heshiiska Is Afgarad ee ONLF iyo Itobiya.
- Sep 19, 2018
Shacabka Somaalida Ogadenia ayaa si Taxadar leh usoo dhoweeyay Heshiiska Is Afgaradka Hordhaca ah ...
Maxaan u Halgamaynay? oo Geerida isugu xukunay ?.
- Sep 19, 2018
Geeridu waa waxa ugu Khadhaadh ee Nooluhu si iskumid ah uga wada cabsado Bini'aadmiguna ...
Daawo:Gar-naqsiga Axmed madobe iyo Ergadii Farmaajo u diray.
- Sep 19, 2018
Waxaa magaalada Kismaayo Kulan xasaasiya kuyeeshay xubno isugu Jira Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya ...
U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...