Maqaal: Maanta & Midnimada Soomaali-Galbeed Waa Mid Muqadas Ah.

Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxay ahayd kuwo taariikhi ah oo dhacdooyin badan ay ka dheceen Itoobiya. Isbadalka ku yimid taliska Itoobiya haba ugu horeeyo isbedellada sida xawliga ah ku socda ee saameeyay dhamaan shucuubta iyo qawmiyadaha kala duwan ee ku hoos dulman taliska Itoobiya.

Qoomiyadaha Itoobiya waxay wadaan abaabul iyo midnimo dhexdooda ah (Qoomiyad waliba gaarkeed), waxay u diyaar garoobayaan mustaqbal ay suurtagal tahay inay wax-waliba dhacaan. Waxaa kale oo wacyi-galin iyo abaabul xoogan uu ka socdaan dhamaan deegaanada kala duwan ee Itoobiya oo idil.

Innaga Soomaali ahaan, waxaan haysanaa fursad dahabi ah oo aan dhiggeenna kale ee Itoobiyaanka ah kula tartami karno hadaan doonayno inaan qawmiyadaha kale wax la qaybsano. Waa haddii aan caqligeeda iyo cududeenna midayno. Maanta iyo goor-walba baahideenna 1aad, 2aad iyo 3aad waa Midnimo, taas waa inaan xooggeenna oo idil isugu gaynnaa.

Khalad-wayn oo masiiri ah wuxuu dhici-doonaa haddii ay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO/ONLF) iyo Maamulka maanta ka arimiya Jigjiga ee uu madaxa ka yahay Musdhafe Muxumad Cumar dhexdooda ka adeegto dowladda dhexe ee Itoobiya, iyaguna fursaddaas u sahlaan xukuumadda Addis ababa inay Soomaalida ku kala qaybiso.

Dabcan, ONLF waa Urur gobanimadoon ah, sidaa daraadeed waa lagama-maarmaan inuu arrimaha waawayn ee masiiriga ah ee khilaafka iyo hardanka abuuray kala hadlo xukuumadda dhexe ee Itoobiya (Waaba hadday Itoobiya diyaar utahay e) laakiin arrintaasi ma’aha inay dabar ku noqoto dadaalka loo baahan-yahay in la galiyo midnimada dhexdeenna ah ka Soomaali ahaan.

Runtii, maanta waxaan haysanaa shacab midaysan oo is-jecel oo xorriyad iyo caddaalad-doon ah, kaliya waxay u baahantahay midnimo siyaasadeed oo u adeegaysa maslaxadda shacabka Soomaaliyeed ee Gumaysigu soo ragaadiyay sanadaha badan.

Ismaaciil Cali Ismaaciil

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Xaaladii ugu dambaysay ee SS, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia, iyo Xogta ina ilay
- Sep 22, 2018
Xaaladii ugu dambaysay ee Somali State, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia EE Asmara, iyo Xogta ...
Daawo Xubinta Kalamaan ee Maanta oo aad uxiiso Badan
- Sep 21, 2018
Waa Xubin Xog waran ah oo maadaysan Kalamaan kala Soco Halkan Daawasho wacan.
Deg Deg:qofkii labadaad oo Toogasho lagu dilo maanta Magaalada Muqdisho Dayax iimaan Xasan
- Sep 21, 2018
waxaa goor dhawayd maagalada Muqdisho lagu dilay Dayax Iimaan Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ...
Deg Deg:Gabadh Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
- Sep 21, 2018
Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaliya maanta lagu dilay Aamina Xuseen Xasan oo ...
Daawo Madaxwayne Mustafe Cagjar OO Kasbaday Quluubta Malaayiin Soomaali ah
- Sep 21, 2018
Waxaa Lagu Soo Koobay Muuqaalkan Hadaladii Ugu Muhiimsanaa EE kujiray Khudbadihii Madaxwaynaha Deegaanka Daawasho ...
Daawo Waamaxay Sababta Darmuuska Loojajabinaayo Kenya ?
- Sep 21, 2018
Waxaa baraha bulshada ka muuqanaayay Falaasado Laja jabinaayo Lagana soo dhex saaraayo wax yaabo ...
Daawo Barnaamijka Fanka Iyo Suugaanta Waraysi Abwan Gurbiye iyo Avocado
- Sep 21, 2018
Barnaamijka Raad raaca Suugaanta iyo Waraysi aad uxiiso Badan abwaan Gurbiye Daawasho wacan.
Daawo Full Xafladdii Lagu Taageerayay Go’aankii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada
- Sep 21, 2018
Waxaa magaalda Nairob kadhacay Xaflad lagu Taageerayo Go aanka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleed yada ...
War dhiilo xambaarsan oo kasoo baxaya Somaalida ku Gu’doonsan dhulka Oromada.
- Sep 21, 2018
Waxaa warar Naxdin iyo dhiilo Argagax leh xambaarsan ayaa kasoo Kordhay Kumanaanka Qoys ee ...
Xisbiga Oromada ee OPDO oo magacii iyo Astaantii ba iska badalay.
- Sep 21, 2018
Xili siyaasada Itobiya ay baaxaa dagayso laguna dhawaaqay shirwayne wakhtigiisii laga soo Hormariyay oo ...