Jabhada Ginbot 7- oo diiday xeryihii loo Qorsheeyay iyo Hub kadhigista.

Ciidankii Jabhada Ginbot 7- ee dhamaadka Todobaadkii Hore Galay Gudaha dhulka Amxarada Gaar ahaan magaloyinka Waawayn ee Bahir-dar iyo Gonder, ayaa ka Guuray 3-xero ciidan oo lagu soo dhoweeyay lana dajiyay.

Sida lagu baahiyay Qaar-kamida baraha lagu Taageera Jabhada Ginbot 7- saraakiil ciidan oo kasocotay dhinaca dawlada iyo saraakiisha Hogaaminaysay ciidanka Jabhada, ayaa isku Af-dhaafay Qaabka Hub kadhigista iyo dhaqan celinta ciidanka Jabhada, waxayna taasi keentay in Gabi ahaan ba ay ciidanka Jabhadu ka Guuraan xeryihii ladajiyay.

Saraakiisha ciidanka dawlada ayaa lasheegay inay ku adkaysteen in marka Hore ciidanka Jabhadu Hubka wareejiyaan, balse waxaa arinkaasi Gaashaanka kudhuftay saraakiishii dhinaca Jabhada kuwaasi oo sheegay inaysan jirin sabab ay Hubkooda u wareejiyaan.

Mamulka Qomiyada Axmarada iyo shacabka ayaa si buuxda ula saftay ciidanka Jabhada oo Horay ba ay Taageero lagarab taagnaayeen, waxaana ciidanka Jabhada Ginbot 7- loo wareejiyay Fadhiisimo kale oo mamulka Axmaradu u diyaariyay.

Diidmada cad ee ciidanka Jabhadu kudiiday Hub kadhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Jabhada oo sida Heshiisku dhigayay ahaa in dawladu masuuliyadeeda leedahay, iyada oo ciidanka Jabhada loo samaynayo Qorshayaal dib u dajineed, ayaa u muuqda mid xidhiidh la leh xasarada colaadeed ee kadhex Aloosan Labada Qomiyadood ee Oromada iyo Amxarada oo Hogaanka dalkaasi ku Hardamaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...