Ma dow-baa in beesha Jidwaaq dhahdo ONLF Jigjiga masoo Gali karto?

Waxaan rabaa aragtidayda shaqsi in aan ka dhiibto, Marka hore waxaa qalad ah oo qadaf ah in qofna loo diido magaalo ama Urur hadii ay si nabadgalyo ah ay u imanayaan.

Ururka ONLF waxay halgan hubaysan kula jireen Dowladda Itoobiya mudo 27 tan sanadood ah oo ay ku raadinayeen gobanimda DDS oo ay rabeen in ay kaga Xoroobaan Dalka Itiyoobiya intiisa kale.

Hadaba maxaa isbedelay?

Sida aad ka warqabtaan Itoobiya waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed oo kooxdii dhiig miiradka ahayd ee TPLF lagaga adkaaday siyaasadii guracnayd ay ku soo wadeeen dalka.

kadibna waxaa la doortay Raisal Wasaare Dr. Abiye Ahmed, Markii uu xilka la wareegay Dr. Abiye wuxuu nabad ugu baaqay Ururadii horay logu yiqiin Nabaddiid,

Waxaa la laalay sharcigii horay loogu yiqiin in ay yihiin Argagixiso kadibna Baarlamaanka itiyoobiya ayaa ka saaray liiska argagixisada ururada G7,ONLF IYO OLF

Waxaynu wada ogsoonahay in Ururadii kale ay soo wada guryo hooydeen sida G7 iyo OLF,

Waxaa iyana la sugayaa in dhawaan Ururka ONLF iyaguna soo galaan, Waxaa maalmahan soo socda la filayaa in MW Mustafa Cumar uu tagi doono magaaladda Asmara ee dalka Eriteria heshiisna la soo gali doono Ururka ONLF.

Hadaba, waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo aragtidayda shaqsi ee ku aadan heshiiskan ONLF iyo dalka Ethiopia.

waa heshiis mudo dheer la sugayay si nabad ahna Wax lagu raadiyo, xabaduna aysan xal ahayn, Anigu shaqsi ahaan waan soodhaweynayaa heshiiskaas in ay dalkooda yimaadaan oo ay si nabad ah fikirkooda dadka uga raaridaan.

hadii aysan reer Jigjiga ku qancin mabaadiida Ururka ONLF qasab ma’ahan laakiin xiliga wax laka dooranayo waa xiliga doorashada 2020.

Hada in ay ONLF dhulkooda yimaadaan Wax u diidi karaa ma jirto, Jigjiga deegaanka Soomaalidda ayay ka mit tahay, Cidkasta calanka ay rabto ayay qaadanaysaa looma diidi karo, dalkuna waa uu isbedelay oo wado dimoqraadiyadeed ayuu qaatay , waxaana la ogalyahay in cidkasta si nabadgalyo ah ay samaysan karto urur siyaasadeed si nabad ahna ku Halgami karto.

Hadaba reer tolkay waxaan idiin sheegayaa in aad siyaasada dalka la qabsataan, ogaataana meesha ay Wax u socdaan.

Waxaanad xaq u leedihiin in ururka aad doontaan aad ku biiri kartaan ama aad Urur Cusub furan kartaan, Wax la yidhaaho urur hebel iima iman karo ama reer hebel magaaladayada ma imankaro Wax la yidhaah ma jirto.

Xiliga doorasha 2020 waxaa laga yaabaa in G7 iyo OLF in ay musharaxiin keensadaan Jigjiga iyo meelkasta oo deegaanka ka mid ah adinkuna waxaad ka hadlaysaan ONLF.

Hadii ay jiraan dad si gaar ah ay ONLF dad kalaysay, waxaa jira xeerar caalami ah oo sheegaya in hadii urur goboanima doon ahi waxyeelo kaa soo gaadho ama hanti aad leedahay kaaga maqan tahay, waxaa loo qabsan karo markii Ururkaasu ku guulaysto dagaalkaas ama uu dowlad noqdo, hadaba waa in xiligeeda iyo waqtigeeda la sugaa.

Dhanka kale waxaynu arkaynaa oo TV yada dalka ka socda in G7 iyo OLF oo deegaanadda Axmaarada iyo Oromia si heer sare ah loogu soo dhaweynayo.

Hadaba maxaa u diidaya in ONLF iyana aan soo dhaweyno inaga ayaaba hal qooys ah ee.

Hadaba tolow tala xumadda inaga daaya oo soo dhaweeya Wiilashaa duurka ku maqnaa 27 tan sanadood, dhaqankeena iyo ka Islaanimada ayayba ku jirtaa in martidda la sooro.

Tusaalaha kale Ciidankii TPLF iyo Wiilashiii liyuuga ayaaba Jigjiga jooga maxaad ONLF ugu diidi in ay iyaguna dadkooda dhanaca ka raacaan
Qolyaha taageersan Ururka ONLF ee caadifadaysan isdajiya xoog Xoog iyo aflagaado ma shaqeynayso, dakana yaan la kala fogeyn, dalkana dowlad baa ilaashanaysa.

Hirsi Mohamed.

Wabilaahi towfiiq

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...