Xaalada Addis ababa oo Faraha kabaxday & xaalka Oromada oo I Qirayay maraysa.

Dhalinyarada Qomiyadaha Oromada iyo Amxarada ee Fano iyo Qiiro oo kala Taageeraya Labada Jabhadood ee OLF iyo Ginbot 7- oo Horay Gobolada isugu Farasaaray, ayaa ugu dambays badhtamaha magaalada Addis ababa isku baacsanayay maalinimadii shalay ahayd oo dhan.

Labada Urur dhalinyaro oo ahaa Kooxihii Abaabulaa ee Kacdoonka kala Harjeedey Taliskii Kooxda TPLF kalana Taageersanaa 2-dan Jabhadood oo mid waliba u Hanqal Taagayso lawareegida Talada dalkaasi Itobiya, ayaa marar Hore sidan oo kale isugu dhacay balse xaaladu marna ma Gaadhin Heerka ay haatan  Gaadhay oo ah in Oromadii suuqyada iyo Jidadka magaalada laga baacsado.

Sida uu Ogaden24 u xaqiijiyay muwaadin ree Ogadenia ah oo kusugan magalada Addis ababa dhalinyarada Amxarada ayaa u awood sheegatay, dhalinyarada Oromada oo ahaa kuwa Horseeday dhibaatada kadhacday magalada Addis ababa.

Laga bilaabo Makhrinimadii majirin wax iska Hor-imaad ah oo Jidadka magalada kadhacay dhamaan meelihii labada dhinac isku Eryanayeena waxaa kusoo Hadhay dhalinyarada Xabashida” ayuu yidhi muwaadinkan oo intaasi kudaray in dhalinyaradii Oromada ay xaafadaha kala Galeen markii laga itaal roonaaday.

Koox dhalinyaro Axmaara ah oo Tira Gawaadhi ah oo ay u arkeen inay Oromo leedahay weerar kuqaaday ayay Fiidnimadii xalay isku dhaceen ciidanka Police-ka, waxaana isku dhacaasi kadhashay dhaawac ilaa 5-ruux oo 2-Police tahay.

Xaalada Guud ee magalada Addis ababa oo uu maanta ka furmayo shirka madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa lasoo dhoobay ciidamo tira badan oo isugu jira milateri Nabad sugid iyo Police-ka caadiga ah.

Guuldarada deg dega ah ee dhalinyarada Oromada kasoo Gaadhay dagaalka ay kudoonayaan inay magalada Addis ababa kaga Qaataan Qomiyada Axmarada oo ah Tan Hantida iyo dhismayaasha ugu badan kuleh magalada, ayaa Horseedi kara dagaal dhiig badani ku daato oo Gabi ahan xididada u siiba waxa Itobiya Laysku dhaho oo haatan aysan jirin Qomiyd mida kale Aaminaysa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...