Janaraal Zeynu Jemal oo Gaashaanka kudhuftay Hadal Abiy Axmed kasoo Yeedhay.

Khilaaf siyaasadeed iyo Amardiido Qayaxan oo kadhashay loolanka u dhexeeya Qomiyadaha Oromada iyo Axmaarada ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa uu Hadheeyay Hogaanka sare ee Talada dalka Itobiya Gacanta kuhaya.

Taliyaha Guud ee Police-ka General Zeynu Jemal ayaa si aan Gabasho lahayn waxaa uu Gaashaanka ugu dhuftay Hadal uu Abiy Axmed Taageero cad ugu muujinaya Qomiyada Oromada, kaasi oo ahaa in badalida calanka Itobiya uusan wax wayn ahayn Qomiyad kastana ay Qaadan karto calanka ay kuqanacsan tahay.

Zeynu Jemal oo saxaafada lahadlay waxaa uu digniin u diray Qomiyada Qiiraysan ee Oromada inaysan calankooda sudhi karin Goobaha dadka kadhexeeya iyo xarumaha dawlada, waxaanu ciidamada Amaanka Amar kusiiyay inay Talaabo adag kaqaadaan cid kaste oo iskudayda inay Goob Public-ah calan aan ka Itobiya ahayn inay kataagto.

Amardiidada cadaanka ah ee Taliyaha Police-ka ayaa siwayn u Gilgishay Hogaanka kooxda OPDO-da kuwaasi oo durba bilaabay Kulamo ay kaga arinsanayaan xaalada cusub ee soo wajahday maamulkii mudada kooban ay Gacanta kuhayeen.

Xaalada magaalada Addis ababa ayaa ah mid aan lasaadaalin karin waxaana magaalada lasoo dhoobay Kumanaan Kun oo ciidamada Rabshadaha Kahortaga ah, waxaana sidoo kale Heegan kujira dhalinyarta Labada bulsho oo u muuqda in dagaal Haatan Kow u yahay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending operations on Wednesday.
- Sep 19, 2018
Out of an abundance of caution the U.S. Embassy in Addis Ababa is suspending ...
Daawo Gobay Wadani ah Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf
- Sep 18, 2018
Gabay Guubaabo Wadani ah iyo Abwaan Bashiir Abdi Yuusuf Daawasho Wacan.
O N L F iyo Ethiopia oo wada hadal Uga bilawday Asmara
- Sep 18, 2018
Waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalkaERITREA ku kulmay Wefti kasocda Dowladda Itoobiya iyo Madaxada ...
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo:Jabhada ONLF iyo Ethiopia oo hesiis kala saxiixday.
Deg deg:Go’aamo Hordhaca oo kasoo baxay wada Hadalkii ONLF iyo Itobiya.
- Sep 18, 2018
Waxaa Fiidnimadii caawa kasoo dhamaaday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wada Hadalo Halkaasi ...
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
- Sep 18, 2018
Deg Deg Daawo: Somaliya iyo Ethiopia Oo ku Guulaystay inay Heshiisiiyan Jabuuti iyo Eritrea
Daawo Qoomiyadihii Aan Oromada ahaynoo Is Bahaystay Lana wareegay Adis ababa
- Sep 18, 2018
Waxaa Magaalada ADIS ABABA ee xarunta Dalka ethiopia ka socda dagaal aad ukulul oo ...
Daawo Abwaan Ahmed Budul oo Dhaanto Amaan Cajiib ah utiriyay Ahmed Madoobe
- Sep 18, 2018
Dhaanteeye Ahmed Budul ismaaciil ayaa maanso dhaanto amaan ah utiriyay Maamul Goboleedka Jubbaland Daawasho ...
Nuxurka warbixinta Wargayska Bloomberg kaqoray Go’aanka Jabhada ONLF & Wada Hadalka Itobiya.
- Sep 18, 2018
Ururka mucaaradka ah ee Itobiya dagaalka kula Jiray ayaa sheegay in ay dalbanayaan afti ...
Topnews: EPRDF oo shirwayne aan caadi ahayn Laysugu Yeedhay & Abiy oo seeftu saaran tahay.
- Sep 18, 2018
Isbahaysiga EPRDF ee Talada dalka Itobiya mudada dheer kasoo ariminayay oo kaduulaya xaalada cakiran ...