Commissioner-ka Police-ka DDS maka Aqoon baa inuu Hal dhinac Eeda saaro mise Waa kadhab?

Madaxa Police-ka dawlada deegaanka Somaalida Maxamed Cali Xasan oo wax laga waydiiyay xiisad waxa uu ka Og-yahay kooxo xiisad ka abuuraya magalada Jigjiga, ayaa si Khayru masuul-nima ah waxa uu u weeraray Taageerayaasha Jabhada ONLF ee magaalada Jigjiga.

Cali Xasan oo ay kamuuqato Aqoondaro iyo Khibrad la’aan dhinaca shaqada iyo Heerka masuuliyadiisa ayaa kudooday inay Og-yihiin in kooxo magaca ONLF wata ay abuurayaan Qalalaase, kuwaasi oo sida uu sheegay iyada oo aan wali laga soo kaban dhibaatadii Hore Jigjiga uga dhacday magaalada kudhex daabacanaya calanka ONLF!.

Commissioner Maxamed Cali Xasan maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya Police-ka oo ah Hay’ada u xilsaaran ilaalinta Amniga deegaanka iyo kahortaga dambiyada, maxay tahay sababta uu ONLF oo xiligaasi uuna Hal ruux kajoogin Jigjiga uu dusha uga saarayo dambiga mise wuxuu Hayaa cadaymo muujinaya kaalintii ONLF kulahayd mashaqadii Jigjiga?.

Taliye Cali Xasan maxay tahay sababta ay Indhihiisu u Qaban waayeen kuwa Jigjiga shirka kuqabsaday ee waliba ku Hanjabay lana Taagan inaysan ONLF Jigjiga imaan karin mise isaga iyo kuwaasi aragtida ayay kamidaysan yihiin? oo marka oo leeyahay calanka ONLF ayaa Jigjiga dhib looga abuurayaa Afkii kooxdaas ayuu kuhadlayaa?.

Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan ayaa ah sababta Commissioner-ku isugu xidhayo Qalalaasihii kooxda Cabdi iley Horay uga Gaysatay magalada Jigjiga iyo calamada Taageerayaasha ONLF ku muujinayaan dareenkooda Taageero ee ay u Hayaan Jabhada ONLF, U Jeedkiisa rasmiga ah se miyuusan ahayn inaan Jigjiga lagu Qaadan karin calanka iyo Astaamaha ONLF iyada oo kii Gimbot 7- iyo OLF ay Gawaadhida kusharaxan yihiin.

Si kastaba Ha ahaatee Commissioner-ka waxaa masuuliyadiisu tahay inuu bulshada si dhex-dhexaad ah ugu adeego kalana saaro aragtida siyaasiga ah iyo shaqada laxidhiidha Amniga, waana inuu ka digtoonaadaa si xun u isticmaalka magaca Jabhada ONLF Gafka iyo Khaladkii kadhacayna uu Raali Galin buuxda kabixiyaa Waayo ONLF Waa dhiiga iyo dhacaankii bulshada Somaaliyeed lamana Aqbali karo in si fudud waxaanay ahayn loogu tilmaamo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Xaaladii ugu dambaysay ee SS, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia, iyo Xogta ina ilay
- Sep 22, 2018
Xaaladii ugu dambaysay ee Somali State, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia EE Asmara, iyo Xogta ...
Daawo Xubinta Kalamaan ee Maanta oo aad uxiiso Badan
- Sep 21, 2018
Waa Xubin Xog waran ah oo maadaysan Kalamaan kala Soco Halkan Daawasho wacan.
Deg Deg:qofkii labadaad oo Toogasho lagu dilo maanta Magaalada Muqdisho Dayax iimaan Xasan
- Sep 21, 2018
waxaa goor dhawayd maagalada Muqdisho lagu dilay Dayax Iimaan Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ...
Deg Deg:Gabadh Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
- Sep 21, 2018
Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaliya maanta lagu dilay Aamina Xuseen Xasan oo ...
Daawo Madaxwayne Mustafe Cagjar OO Kasbaday Quluubta Malaayiin Soomaali ah
- Sep 21, 2018
Waxaa Lagu Soo Koobay Muuqaalkan Hadaladii Ugu Muhiimsanaa EE kujiray Khudbadihii Madaxwaynaha Deegaanka Daawasho ...
Daawo Waamaxay Sababta Darmuuska Loojajabinaayo Kenya ?
- Sep 21, 2018
Waxaa baraha bulshada ka muuqanaayay Falaasado Laja jabinaayo Lagana soo dhex saaraayo wax yaabo ...
Daawo Barnaamijka Fanka Iyo Suugaanta Waraysi Abwan Gurbiye iyo Avocado
- Sep 21, 2018
Barnaamijka Raad raaca Suugaanta iyo Waraysi aad uxiiso Badan abwaan Gurbiye Daawasho wacan.
Daawo Full Xafladdii Lagu Taageerayay Go’aankii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada
- Sep 21, 2018
Waxaa magaalda Nairob kadhacay Xaflad lagu Taageerayo Go aanka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleed yada ...
War dhiilo xambaarsan oo kasoo baxaya Somaalida ku Gu’doonsan dhulka Oromada.
- Sep 21, 2018
Waxaa warar Naxdin iyo dhiilo Argagax leh xambaarsan ayaa kasoo Kordhay Kumanaanka Qoys ee ...
Xisbiga Oromada ee OPDO oo magacii iyo Astaantii ba iska badalay.
- Sep 21, 2018
Xili siyaasada Itobiya ay baaxaa dagayso laguna dhawaaqay shirwayne wakhtigiisii laga soo Hormariyay oo ...