Shuruudaha mamulada Heer degmo iyo Gobol waxa kamida inuusan Heego soo maray.

Mamulka cusub ee madaxwayne Mustaf oo ku Guda jira magacaabista masuuliyiinta mamulada Heer degmo iyo Gobol, ayaa shuruudaha lagu Qaadanayo shakhsiga xilalkaasi danaynaya waxaa safka Hore kaga Jira inuusan kamid noqon Ururkii Heego ee Cabdi iley sameeyay bilihii ugu dambeeyay.

Wasiirka madaxtoyada oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shuruudahan cusub looga Goleeyahay in lahelo masuuliyiin u Qalanta xilka ay Qabanayaan, balse shuruudahani ayaa u muuqda Qorshe cusub oo lagu Fogaynayo Qaar-kamida Aqonyahanka deegaanka.

Shuruudaha uu wasiirka madaxtooyadu sheegay in lagu xidhayo muwaadinka damacu kaga Jiro Qabashada xililka Heer Gobol iyo degmo ayuu kusheegay.

1- Waa inuu Haystaa shahaadada Heerka 1-aad ee Jaamacada

2- Waa inuu leeyahay Khibrad iyo Waayo Aragnimo shaqo

3- Waa inuusan kasoo mid noqon kooxihii musuqa iyo Fawdada sida ( HEEGO)

Tan iyo intii uu meesha kabaxay mamulka Kooxdii Cabdi iley ayaa waxaa kabilawday magalada Jigjiga in beel Gaar ah lagu shabadeeyo Kooxdii Heego oo ahayd dhalinyaro si daba kariix ah laysugu Keeni jiray, kuwaasi oo dhamaan Gobolada wadanka kasoo kala Jeeday ama laga sameeyay.

Shuruudahani cusub ee Heegada aan Jirin lagu darayna waxaa muuqata inay Qayb katahay dagaalka siyaasadeed ee sida Goonida ah loogu bar-tilmaameedsanayo dhalinyarada iyo Aqonyahanka deegaanka Qaarkood, taasi oo hadii aanu madaxwayne Mustaf Talaabo deg dega kaqaadin dhalin karta cawaaqib xumo Hor leh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo: Xaaladii ugu dambaysay ee SS, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia, iyo Xogta ina ilay
- Sep 22, 2018
Xaaladii ugu dambaysay ee Somali State, Wadahadalkii ONLF iyo Ethiopia EE Asmara, iyo Xogta ...
Daawo Xubinta Kalamaan ee Maanta oo aad uxiiso Badan
- Sep 21, 2018
Waa Xubin Xog waran ah oo maadaysan Kalamaan kala Soco Halkan Daawasho wacan.
Deg Deg:qofkii labadaad oo Toogasho lagu dilo maanta Magaalada Muqdisho Dayax iimaan Xasan
- Sep 21, 2018
waxaa goor dhawayd maagalada Muqdisho lagu dilay Dayax Iimaan Xasan oo ahaa wiil dhalinyaro ...
Deg Deg:Gabadh Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
- Sep 21, 2018
Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaliya maanta lagu dilay Aamina Xuseen Xasan oo ...
Daawo Madaxwayne Mustafe Cagjar OO Kasbaday Quluubta Malaayiin Soomaali ah
- Sep 21, 2018
Waxaa Lagu Soo Koobay Muuqaalkan Hadaladii Ugu Muhiimsanaa EE kujiray Khudbadihii Madaxwaynaha Deegaanka Daawasho ...
Daawo Waamaxay Sababta Darmuuska Loojajabinaayo Kenya ?
- Sep 21, 2018
Waxaa baraha bulshada ka muuqanaayay Falaasado Laja jabinaayo Lagana soo dhex saaraayo wax yaabo ...
Daawo Barnaamijka Fanka Iyo Suugaanta Waraysi Abwan Gurbiye iyo Avocado
- Sep 21, 2018
Barnaamijka Raad raaca Suugaanta iyo Waraysi aad uxiiso Badan abwaan Gurbiye Daawasho wacan.
Daawo Full Xafladdii Lagu Taageerayay Go’aankii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada
- Sep 21, 2018
Waxaa magaalda Nairob kadhacay Xaflad lagu Taageerayo Go aanka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleed yada ...
War dhiilo xambaarsan oo kasoo baxaya Somaalida ku Gu’doonsan dhulka Oromada.
- Sep 21, 2018
Waxaa warar Naxdin iyo dhiilo Argagax leh xambaarsan ayaa kasoo Kordhay Kumanaanka Qoys ee ...
Xisbiga Oromada ee OPDO oo magacii iyo Astaantii ba iska badalay.
- Sep 21, 2018
Xili siyaasada Itobiya ay baaxaa dagayso laguna dhawaaqay shirwayne wakhtigiisii laga soo Hormariyay oo ...