Budhcada Abaabulan ee Jigijga oo weeraray Ugaaska beesha Maalin Guur +sawiro.

Kooxda budh-cada Abaabulan ah ee magaalada Jigjiga kadilaacday ayaa weerar Qorshaysan kuqaaday Hoyga uu magalada Jigjiga kadagan yahay Ugaaska Guud ee beesha Maalin Guur Ugaas Maxamed Fowsi Ugaas Aadan Xadiis.

Weerarka Kooxda budh cada ahi kuqaaday Guriga Ugaaska ayaa waxaa kadhashay Khasaare Lixaad leh oo isugu Jira dhaawac iyo bur bur Hantiyeed oo baaxad leh, waxaana Kooxda Budhcada ah u suuragashay inay Gudaha u Galaan Guriga Ugaaska taasi oo khasaaraha sii badisay.

Halkan Riix sawirada

Budhcada Guriga weerartay oo Tiradoodu ahayd 13-ayaa ku Hubaysanaa Baangado iyo Agabyo kale waxaana u suuragashay dadkii Guriga daganaa oo iska difaacay budhcada inay Gacanta kudhigaan mid kamida kooxdaasi budhcada ah weerarka Fulaynimada ah kuqaaday Guriga Ugaaska.

Budh-cadka Gacanta lagu dhigay ee ay Qabteen dadkii kusugnaa Guriga laweeraray ee Ugaaska ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka magaalada isaga oo aan waxba layeelin.

Ugaaska iyo waxgaradka kale ee beesha Maalin Guur ayaan iyagu kahadlin weerarka Fulaynimada ah ee lagu Qaaday Ugaaska, waxaana weerarkani uu Qayb kayahay weerarada Fulaynimada ah ee kooxda Dulmidiid ay kawadaan magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaaneedka Somaalida Ogadenia.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...