JIG JIGA. XASAN TAADHI ADIGOO AH WASIRKA MADAXTOOYADA ,WAXA FIICAN INAAD WAX BADAN XEERISO ( HADII KALE)
JIG JIGA. XASAN TAADHI ADIGOO AH WASIRKA MADAXTOOYADA ,WAXA FIICAN INAAD WAX BADAN XEERISO ( HADII KALE)
Kooxda dulmidid waxaa gadaal ka riixaya xasan taadhi oo ah hogaanka ugu awooda badan ee dhaqaalaha ku bixinaya sidii magaca iyo sumada ONLF deegaanka looga saarI lahaa. Maalintii shalay wuxuu soo abaabulay shirar hoose, wuxuuna ku abaabulay arrimahan soo socda inn ficil loo badalo
– Inn weerar joogta ah lugu hayo kuwa aaminsan halganka shacabka somalida ogadenia
– Inn saxaafada ESTV lugu weeraro ONLF, isla markaana wareysiyo ay bixiyaan kooxo laga mushaar siiyo madaxtooyada unna taagan isku dirka shacabka dulman
-inn socdaal dheer lugu kala bixiyo gobolada iyo tuulooyinka deegaanka iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowlada iyo awooda Ciidanka liyuu police iyo Ciidanka federalka .
– kooxda dulmidid waxay helli doonaan dhaqaale xoog badan si shacabka loo gaarsiyo sidii magaca ONLF hoos loogu dhigi lahaa maadaama shacabka deegaanka ku farax saneyn.
Xasan taadhi iyo kooxo kale ayaa masuul ka ah weerarka tooska ah ee ka socda jig jiga, waxana barnaamijka fulinaya dulmidid iyagoo hoosta ka soo kiciyay dhalinyarada gobolka Faafan. Waxan wax garadka sharafta badan ee gobolka Faafan ka codsan ineysan ku sirmin xasan taadhi iyo kooxda dulmidoon ee dooneysa hantida dadweynaha inney ku tagri fallaan iyagoo huwan shaatiga dowlada.
Waxaynu waqti siin doonaa asxaabta sharafta badan ee dooneysa inney ka soo saaraan kooxda dulmidid ee madaxtooyada ku soo diyaarinaya barnaamijka isku dirka shacabka somalida ogadenia ee wadda dulman. Ha, moodin xasan taadhi inaan lugula soconin adigoo shaatiga dowlada u adeegsanayaa burburka iyo kala fogaynta shacabka dulman.
By Mujahid sheikh Ibrahim
<